Hargeysa(GNA)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa dar-daaran siiyaay maanta Ciidamada amaanka ee RRU-da, SPU-da iyo Bilayska kale ee Caadiga ah.
Cali Maxamed Waran-cadde ayaa fariin dad badan ka farxisay u diray Bilayska , waxaanu ku amray inaanay dib u hagar-daamayn Bulshada ay amaankooda sugayaan.
“Maanta waxaan doonayaa sidii hore ee aad u shaqayn jirteen iyo si ka wanaagsan inaad u shaqaysaan oo aynu hawsha halkaa ka sii wadno, waxaan doonaaya inaad u adeegtaan Bulshada oo aanay din dadkii aynu nabad-gelyadooda Ilaalinaynay dhibaato aydaan u geysan.”ayuu sheegay Wasiirka oo la hadlayay Kolanyo Ciidan ah oo Xerada Birmadka joogay.
Sidoo kale wuxuu u sheegay “Dadkii idiin mahad naqi lahaa markaad nabad-gelyadooda ilaalisaan, dadkii idiin soo dhaweyn lahaa markaad waddooyinka maraysaan ma doonayo inuu dhan-xiir idin dhex cararo.”
Hadalkan ayaa dad badan laabtooda ka maydhi doona cabsidii iyo xaasaasiyadii ay ka qabeen Ciidanka RRU-da oo marka ay hawl-gal fulinayaan Guluf Argagax wata ku abuura Bulshada, waxyeelana u geysta qofka ay Badhitaanka ku galaan Hantidiisa iyo Naftiisaba.
Gobanimonews
Hargeysa Office