Stanbul(GNA)-Wajiga Sadexaad ee shirka wadahadalada Somaliland iyo somaliya ayaa Beri ka furmaya Magaalada Stanbul, waxaana halkaasi ku sugan laba wefti oo ka kala socda labada dhinac.
10:30 Subaxnimo ee Berri ayaa lagu wadaa inuu shirku furmo, waxaana ka qayb-gelaya 7 Xubnood oo ka socda Somaliland iyo ilaa 8 xubnood oo metelaya dawlad somaliya, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliya Cabdikariin Maxamuud Guuleed.
Labada wefti ayaa lagu soo waramayaa inay xalay saacadihii dambe yeesheen kulan hor dhac oo isbarasho ah, kaasoo ay u qabatay Wasaaradda arrimaha dibada ee dawlada Turkigu, kulankaasoo oo ahaaa mid albaabadu u xidhanyihiin, wax war ah oo faahfaahsan lagama hayo.
Weftiga Somaliland ayaa madasha shirk la tegaya Ilaa lix qodob oo ay ku salaysantahay dooda dhinac ahaan ay ka doonayaan inay Koonfurta somaliya aqbasho.
Waxaana lixdaa qodob ka mid ah sida ay Ilo-wareedyo xogogaal ahi Gobanimonews u xaqiijiyeen, inay dawlada somaliya aqoonsato madaxbanaanida Somaliland, inay dhinacyadu Heshiis ka gaadhaan Maamulka hawada Somaliya oo Khilaaf ka taaganyahay iyo inay waddamada Afrika la kaashadaan hir-gelinta waxyaabaha ay Somaliland ka doonayso somaliya.
Shirkan ayaa noqoya kii ugu horeeyay ee ay Somaliland iyo somaliya oo ay gooni-isutaageeda kala soo noqotay 1991 kaga wada hadlaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland, taasoo ah arin xaasaasiyadeeda, ayna labada dhinac ka geli doonaan dood aad u adag oo natiijadeeda loo wada dhegtaagi doono.
Somaliland ayaa 23 sanadood oo Nidaam dawli ahi ka jiro, hadana aan helin aqoonsi Caalamiya, taasoo inta badan ay beesha Caalamku ku cadaadinaysay inay kaga xidhantahay somalida kale ee ay kala go’ayaan.
Hadii ay sidaasi tahay waxa muuqata inay Somaliland hada xaq u leedahay inay aqoonsadaan Dawlada somalidu, wax shuruud ahna aanay ku xidhin taasi, maxaa yeelay Somaliland ayaa u muuqata mid buuxisay dhamaan shuruudihii Haykalka dawladnimo, suurto-galna maaha inay ku noqoto nidaamka midnimada oo ay hada ka kortay in lagu sii cadaadiyo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com