Muqdisho(GNA)-Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed ayaa maanta u dabaal degtay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayay waqabadka mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen, Ganacsato caan ka ah dalka, aqoonyahano, shirkadaha ganacsiga dalka, iyo Mas'uuliyiinta rugta ganacsiga, waxa xubnihii ka hadlay ay soo dhoweeyeen waxqabadka mudada sanadka ah ee ay ku tallaabsatay.
Rugta Ganacsiga ayaa mudadii sanadka aheyd abuurtay xidhiidho caalami ah, iyadoo ay dib ula soo noqotay xubinimadeedii Rugaha Ganacsiga Caalamka, isla markaana heshiisyo caalami ah la soo gashay Rugaha Ganacsiga dalalka deriska ah iyo kuwa caalamka.
Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed Cabdi Abshir Dhoore ayaa ugu horeyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo sheegay inay abuurtay xarun loogu soo hirto ganacsiga Soomaaliyeed, hadii ay ahaan laheyd mid iib geyn ah iyo maalgashi intaba.
Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay inay soo nooleeyeen xidhiidhkii caalamiga ee dibada ee Rugta, isla markaana ay heshiisyo la soo galeen shirkado ganacsi.
Dadkii ka hadlay munaasabada oo talooyin iyo fikrado ka dhiibtay waxqabadka iyo waxyaabaha loo baahan yahay ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsadaha caanka ah Xuseen Goley, Cabdirashiid Ilqeyte iyo kuwa kale, kuwaasoo soo dhoweeyay waxqabadkii Rugta Ganacsiga, iyagoo soo jeediyay in la bixiyo deymaha lagu leeyahay Rugta Ganacsiga.
Sidoo kale Caasha Shaacuur Ugaas oo madax u ah Qeybta Farshaxanka iyo Dalxiiska ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyed ayaa soo jeedisay in Haweenka Soomaaliyed fursado laga siiyo, isla markaana xustay in haweenka kaalin lixaad leh ay ka soo qaadato horumarinta Ganacsiga dalka.
Prof. Mahad Alle oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu casuumay munaasabada ayaa sheegay in dhowaan uu ku dhawaaqay shirkad ganacsi, isla markaana diyaar u yahay inuu xubin ka noqdo Rugta Ganacsiga Soomaaliyed sanadka soo socda.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed C/kariim Maxamuud Gabeyre oo gaba gabadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mudadii sanadka aheyd ay shaqeynayeen ay guulo la taaban karo gudaha iyo dibada ka gaareen, isagoo cadeeyay in muuhimad gaar ah ay siinayaan Ganacsiga dalka iyo maalgashi loogu sameyn lahaa.
Mr Gabeyre ayaa sheegay in rugta mudadii sanadka aheyd ay sameysay in Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya markii u horeysay laga dhoofiyo xoolo, isla markaana Maxjarkii xoolaha la dar dar geliyo, waxaana uu tilmaamay in meesha kaliya ee xoolaha laga dhoofin jiray ay aheyd dekedaha Boosaaso iyo Ber bera.
Waxaa uu sheegay in Rugta Ganacsiga ay dib ula soo noqotay xubinimadeedii rugaha ganacsi caalamka, isagoo tibaaxay in wax weyn ay ka qabteen xiriirka arrimaha dibada ee dhinaca Ganacsiga, waxaana uu soo dhoweeyay in dalka maal gashi lagu sameeyo.
Ganacsiga Soomaaliyed ayaa xilliyo kala duwan soo maray, iyadoo mudadii bur burka dalka ku jiray, ay Ganacsatadu si aad ah ugu dhabar adeegeen horumarinta Ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Gobanimonews
Muqdisho Office