(GNA)Wafitigii Somaliland u matalaayay shirka wadahadalka oo ah wafti miisan culus, ayaa gaadhay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, Waftiga Somaliland ayaa si diiran loogu soo daweeyay garoon diyaaradaha ee Magaaladda Istanbul, iyadoo lagu nasiyay qolka Madaxda caalamka lagu qaabilo ee VIP-da. Waxaana soo dhaweeyay Sarakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyo Madaxda Xafiiska Baratakoolka Raysal Wasaaraha Turkiga.
Waftiga Somaliland ka socday ayaa loo soo galbiyay Huteel ay u sii diyaarisay Xukuumadda gogosha shirka fidisay ee Turkigu. Saaka saladii hore waxaa Huteelka ay deganyihiin ku soo booqday kaliyaasha Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, iyadoo kulan kooban la qaatay Waftiga Somaliland. Intaas kadib waxaa galabta kulan ballaadhan oo hordhac u ah furitaanka Shirka bari furmaaya, la yeeshay labada dhinac ee wadahadalku u socdo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Turkiga.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen badi Saxaafadda dalka Turkiga iyo mida caalamiga ahba, wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Turkigu uga mahad celiyay labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, siday u soo ajibeen isla markaana uga soo baxeen wakhtigii loo qabtay inuu qabsoomo shirkani, Sidoo kale wuxuu Wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in isagoo ku hadlaaya afka Raysal Wasaaraha Turkiga, in dawladiisu ku faraxsantahay sii socodka wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Bari oo Axad ah waxaa jira kulamo badan oo shirka labada dhinac lagu soo anbaqadaayo, jawagi kulamada ayaa degan, in kasta oo qodobada laga wadahadlaayo ay xasaasi yihiin, dhinaca kale dawladda Turkiga ayaa si weyn looga dareemaya dadaalka iyo kulamada ay labada dhinacba la qadanayso, iyadoo shirkani uu ka adagyahay saddexdii shir ee hore.
xigasho-soomaalilandtoday