Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa maanta Kormeeray Talisyada Ciidanka Bilayska ee Caasimada Hargeysa, waxaanu kulamo kula yeeshay Taliska Guud ee Ciidanka bilayska iyo Saraakiisha ugu saraysa laamaha kala duwan ee ciidankaasi.
Cali Maxamed Waran-cadde oo kormeerkiisani ahaa kii ugu horeeyay ee uu ku tago xarumaha nabad-gelyada tan iyo markii uu xilka la wareegay , ayaa ujeedadiisa ku sheegay mid lagu dardar gelinayo Nabad-gelyada iyo adeegyada laamaha amaanku qaranka u hayaan.
Taliska Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ayuu Wasiirku Kormeerkiisa ka bilaabay, waxaanu halkaasi kula kulmay tiro ka mid ah Ciidanka Taraafikadda oo uu ugu bushaareeyay inuu qalab cusub oo Gaadiid ah u keenayo, isla markaana dib u habayn iyo dar-dar gelin ku samaynayo hawshooda.
Sidoo kale Taliska Ciidanka Birmadka, ayuu Warbixin kaga dhegeystay Taliyaha Ciidanka Birmadka, kaasoo uga waramay qaabka ay u hawl-galaan iyo Tayada Ciidanka halkaasi laga maamulo, waxaanu Wasiirku warbixinta uu dhegeystay ka dib Taliyaha iyo Saraakiisha Birmad u balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqayn doono, kuna dedaali doono sidii loo sii xoojin lahaa awooda ciidankaasi.
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sidoo kale booqday Taliska Ciidanka RRU-da iyo Qaybta Bilayska ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iiman iyo ku-xigeenkiisa oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Saraakiil kale oo ka mid ah laamaha Bilayska.
Wasiirka ayaa kulan mudo qaatay Taliska guud ee Ciidanka kula yeeshay Saraakiishaasi, waxaanu ka waraystay Heerka ay marayso nabad-gelyada guud ee waddanku iyo sida ay uga hawl-galaan Bilaysku Goboladda dalka oo dhan, taasoo ay saraakiishu warbixin balaadhan ka siiyeen, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka qayb-galay kulankaasi oo aan warbaahinta loo Ogolayn.
Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa horaantii todobaadkii hore la wareegay xilka wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanu haatan u muuqdaan inuu qaadayo talaabooyin muhiim ah oo uu wax kaga qabanayo gol-dalloolooyinka amniga waddanka, gaar ahaan arimaha Budhcadnimada habeenkii iyo hawl-galadda Ciidanka RRU-da oo ay Xaasaasiyad ka qabto Bulshada Rayidka ahi.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Editor@gobanimonews.com