Sunday, July 7, 2013

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Suuq Casriya Oo Ay Maalgalisay Shirkada Indha-Deero Group Of Company.


Hargeysa (GNA) July07, 2013 -Munaasabad balaadhan oo lagu daah furayey dhismaha casriga ah ee aadka u quruxda badan, ee la magic baxay Deero mall,ayuu maanta xadhiga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), xafladan oo ay ka soo qayb galeen wasiiro,wasiir ku xigeeno,Agaasiimayaal,Ganacsato,iyo marti sharaf kaleba.Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Indha-deero Group Mustafe Xaaji Cabdi Cawad,oo warbixin qodo dheer oo ku saabsan dhismahan iyo shirkada qaybaheeda kala duwanba halkaas ka soo jeediyey,isaga oo faahfaahinayana waxa uu yidhi: dhismahan aad arkaysaan waxa aanu ugu talo galay inuu qayb ka qaato bilicda caasimada iyo shaqo abuurka labadaba,waxana u ka kooban yahay 50 meheradood,laakiin imika waxa shaqaynaya 20 meheradood,taasina waxay ina tusaysaa inta qof ee ka shaqaynaysa,waxa kale oo uu intaas ku daray in shirkada Indha-deero Group ayna ku eekayn deero mall oo kaliya ee waxa ay leedahay qaybo kale oo ganacsi,sida soo dejinta Badeecadaha, dhoofinta xoolaha nool, iyo waliba Hotelo waaweyn oo casriya oo ay ku leedahay magaalooyinka waaweyn, waxa uu xusay in shirkadu dhinaca caawinta dadkeeda iyo horumarka dalka qayb laxaad leh kaga jirto.




Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo isagu dhismahan xadhiga ka jaray, ayaa uga mahad celiyey shirkada Deero Group ee dhismahan maalgalisay,wuxuuna aad u amaanay ganacsatada iyo qorbe joogta, oo uu sheegay inay horumarka dalka qayb weyn ay ku leeyihiin,waxa xukuumada laga sugayaana ay tahay inay la timaado siyaasad cad oo nidaam iyo kala dambayn ah, iyo in muwaadiniyiintu helaan nabadgalyo si ay u gutaan hawlahooda,balse cida ganacsi iyo shaqo abuur samaysaa ay tahay ganacsatada,waajibna ay tahay inay helaan xuquuqdooda, gacan buuxdana laga siiyaa hawlaha adag ee ay bulshada iyo qarankaba u hayaan. 




Masuuliyiintii ka soo qayb gashay wax aka mid ahaa wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha,wasiirka wasaarada Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta,Wasiirka Wershadaha,Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga,Gudoomiyaha Rugta Gancsiga,wasiirudawlaha madaxtooyada,Ganacsato iyo marti-sharaf kale oo badan, intoodii badnayd ee halkaa ka hadashay ayaa ku dheeraaday shaqsiyadii iyo wanaagii uu lahaa Alle ha u naxariistee Aasaasihii shirkadan Indha-deero Group Of Company,Xaaji Cabdi Cawad Cali oo ahaa nin xagga illaahay ku wanaagsan.  




Goobta dhismahan laga dhisay ayaa ah badhtamaha magaalada Hargeysa,isla markaana waa dhisme casriya oo ku cusub Somaliland noociisu,haday tahay qaabka dhismaha iyo qorshaha loogu talo galay inuu u shaqeeyo, waxay ahayd madal aad u qurux badan oo soo jiidanaysay qof kasta oo gala.