Monday, July 15, 2013

Wadaad 90 jir ahaa oo Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ay ku xukuntay 90 sanadood


(GNA) Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa xakun 90 sanadood ah ku riday hogaamiyihii hore ee xibiga mucaaradka Islaamiyiinta ee dalkaasi Bangladesh .




Ghulam Azam oo haatan dadiisu aad u weyntahay ayay maxkamada dalka Bangladesh ku riday xukun aan horey qof  shaqsi lagu xakumin oo ay aad ula yaabeen dhamaan shacuubta dalka Bangladesh, xakunka lagu riday Sheekh Ghulam Azam ayaa imaanaya kadib danbiyo kala duwan oo lagu eedeeyay inuu ka galay dalka Bangladesh sanadihii uu hayay xilka xisbiga mucaaradka Islaamiyiinta dalkaasi Bangladesh.
Ghulam Azam ayay haaatan da`’diisu tahay 90 jir iyadoo lagu xakumay 90 sanadood oo la micna ah inta ka harsan noloshiisa.




Sarkaal katirsan ciidamada xooga dalkasi Bangladesh l MK Rahman ayaa ku tilmaamay xakun mid aan loo meel dayanin islamarkaana ah mid meel ka dhac ugu filan Sheekha oo ay kula fududaadeen xaakimyada maxkamada ee u go’aamiyay 90 sanadood ee xabsi ah maadama da’diisu ay tahay90 jir awoodna uusan ulaheyn inuu kusii jiro xabsi xitaa 2 cish.
Gobanimonews.com