Kabtan Steven Gerrard ayaa qalinka ku suugay heshiis cusub uu u saxiixay kooxda Liverpool, sida ay ku dhawaaqday kooxda Anfield ka dhisan.
Inkastoo Liverpool aysan shaacin faahfaahinta heshiiska cusub, hadana waxaa la rumeysan yahay inuu saxiixay heshiis uu ilaa iyo 2015 ku sii joogay Liverpool, isagoo isbuucii qaadanaya 140 kun ginni.
33 jirkaan ayaa markii qalinka ku duugay heshiiska cusub waxa uu u sheegay website-ka kooxdiisa: “Waxaan qabaa in qof walba uu ka warqabo waxa heshiiskaan uu ila micno yahay.
“Waqti dheer ayaan halkaan joogay, inaan heshiiska kordhiyana maalin weyn ayay ii tahay, waan u faraxsanahay nolosheyda iyo qoyskeyga. Waa war weyn.
“Waxaa ay i ogeysiineysaa in kooxda ay wax badan iga fekerto oo ay dooneyso inaan halkaan sii joogo.
“Waan ku faraxsanahay in haatan la soo gabagabeeyay, waxaana ay dhacday xilli fiican ka hor xilli ciyaareedka cusub, si aan markaas diirada u saaro kubadeyda ilaa iyo inta aan awoodo.”
Isagoo mustaqbalkiisa oo dhan ku qaatay Liverpool, waxa uu heshiiskaan cusub ka dhigayaa mid sii dheereynaya jaceylka ka dhaxeeya Liverpool iyo Gerrard.
Tan iyo markii uu u ciyaaray kooxda koowaad 1998dii, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u saftay Liverpool 630 kulan isagoo mudadaas u dhaliyay 159 kulan.
Waxaana uu kooxda ka caawiyay koobab badan oo ay ku jirto Champions League, FA Cup, UEFA Cup iyo League Cup.