Tuesday, July 16, 2013

Tito Vilanova: Pep Guardiola Sidii Aan Ka Filayay Ma Uusan Noqon.


Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa isna ku soo biiray weerarka dhanka afka ah ee ka dhaxeeya Pep Guardiola iyo madaxda kooxda Barcelona gaar ahaan Rosell.




Isbuucii hore Guardiola ayaa sheegay in Barca iyo Rosell ay u adeegsadeen xanuunka Tito Vilanova in lagu dhaawaco sumcadiisa, isagoo sheegay inay saxaafad u sheegeen inuusan booqan ninkii tababare ku xigeen u ahaa in muddo ah intii ay wada joogeen New york.




Iyadoo Guardiola iyo Vilanova ay saaxiibo ahaayeen muddo 28 sanadood ah.




“Dadka ma xiiseeyaan arimo shaqsiyadeed, laakiin Pep waa uu qaldamay, la yaab ayayna igu aheyd hadaladiisii.” ayuu Vilanova ku yiri shir jaraa’id maanta.




“Cid ka tirsan madaxda kooxda uma adeegsan xanuunkeyga inay isaga ku weeraraan. Kooxda waxa ay isku dayday inay i caawiyaan ilaa iyo intii macquul ah.




 




 




“Waxa uu igu soo booqday hal jeer New York markii aan tagay, laakiin intii aan ka soo kabsanayay qaliinka waxaan halkaas joogay muddo labo bilood ah, ma aanan arkin.




“Waxa uu ahaa saaxiibkey waana u baahnaa, laakiin ma uusan ii imaan. Wax intaas ka badan ayaan ka filayay. Wax intaas ka badan arintaan kama dhahayo”.