Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa sheegay in Cesc Fabregas uu u sheegay inuusan dooneynin inuu ku biiro Manchester United madaama riyadiisa ay tahay inuu sii joogo Camp Nou.
Kabtankii hore ee Arsenal oo ku laabtay Barca xagaagii 2011, ayaa waxaa 26 milyan ginni ku dalbatay shalayto kooxda Manchester United.
Waxaana soo baxayay warar sheegayay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu u furnaan doono inuu baxo, waa hadii Barcelona aysan rabin in badan.
Si kastaba, Fabregas oo ahaa xilli ciyaareedkii hore ciyaaryahanka labaad ee Barcelona ee ugu safashada badan la Liga marka laga reebo Valdes ayaa u sheegay Vilanova inuu doonayo inuu kooxda baaqi ku sii ahaado.
“Waan ogahay in dalabyo uu ka helay kooxo kale” ayuu yiri Vilanova.
“Laakiin Cesc waxa uu ii sheegay inuu doonayo inuu halkaan sii joogo. Waxa uu ii sheegay in riyadiisa ay tahay inuu Barcelona sii joogo.
“Ma uu doonayo inuu u aado koox kale arimo lacageed ama waqti uu ku ciyaaro darteed. Waa uu ogyahay in halkaan boosaska loo tartamo, laakiin go’aankiisa waxa uu yahay inuu joogo. Wax walwal ah kama qabo xaaladiisa.
“Waa calaamad fiican in ciyaartoydeena ay dalabyo ka helayaan kooxo kale. Waxa ay ku tusineysaa inaan heysano ciyaaryahano ay kooxaha kale rabaan, Laakiin Fabregas waxa uu doonayaa inuu joogo.”