Wednesday, July 17, 2013

SLN: Agaasime Xilkii loo magacaabay 7 Cisho ka dib lagu war-geliyay inaanu u qalmin, Xafiiskiina laga soo saaray!


Hargeysa(GNA)-Agaasimihii dhawaan loo tiriyay xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga  ah Maxamed Sheekh Cumar Xasan, ayaa dibadda looga saaray Wasaaraddaasi ka dib markii magaciisa xagga Madaxtooyadda laga soo saxay.




 Agaasimaha Banaanka looga saaray Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa la sheegay in aanu ahayn ninkii isagu xaqa u lahaa xilkaasi.




Madaxtooyada Somaliland oo iyadu ka daba timid agaasimahaasi ayaa la sheegay in ay rumaysan yihiin in aanu ahayn Masuulkii loogu talo galay in uu xilkaasi qaranka u qabto.




 




 Ma cadda ilaa hadda cida loogu talo galay In uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, balse waxa ay sheegeen shaqaalaha Wasaaraddaasi in aanay ilaa hadda garanaynin sababta ugu weyn ee banaanka looga saaray agaasimihii laba todobaad maamulayay Wasaaradda Ganacsiga.




 Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo la xidhiidha arintan oo ah mid ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaana hore la isu waydiiyay Wasiirul dawlaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha oo Digreetadii lagu magacaabay wax badani ka khaldanaayeen.




Iyadoo ay sidoo kale sanadkan gudihiisa ka dhacday Xafiisyada dawlada Sarkaal Waraaqo Foojari ah u samaystay Xafiis loo magacaabay Masuul cusub, kaasoo isku dayay inuu sifo sharci daro ah kula wareego shaqo aan loo dhiibin.




Si kastaba ha ahaatee arintan oo hada noqotay mid daba furatay,ayaa muujinaysa Maamul xumo ka jirta aqalka madaxtooyada, oo hada xilalka laga magacaabaa Jaandaa rogan noqday, isla markaana marka la qiimeeyo dadka xilalka loo magacaabayo su’aalo badani ka taaganyihiin hawl-gudashadooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office