Thursday, July 18, 2013

Syria oo la sheegay inay kasii xun tahay xasuuqii ka dhacay Rwanda


(GNA) Ku dhawaad maalin kastaa lix kun oo ruux ayaa la sheegaa inay ka baracayaan dalka Syria, iyadoo ay ka jiraan qalalaaso la mid ah kuwa ka taagan dalka Iraq, sidaasi waxaa sheegay masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.




Antonio Guterres, madaxa hayada qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Syria ay kasii daran tahay gumaadkii ka dhacay dalka Ruwanda 20 sano ka hor.








 




 




Ivan Simonovic, xoghayaha guud ee dhanka gargaarka ee hayada xuquuqda aadahana ayaa kulan ka dhacay xarunta qaramada midoobay ayaa sheegay in ku dhawad 92,901 lagu dilay dalka Syria wuxuuna xusay in 6500 kamid ah ay ahaayeen caruur, kuwaasi oo la dilay sanadihii 2011 ilaa 2013. sida uu sheegay.




 








 




 




“Dilalka maalmahaan aaad ayay usii badanayaan. ku dhawaad 5000 oo ruux ayaa la dilaa bil kastaa”sidaasi ayuu ka sheegay xoghayaha kulanka ay yeesheen golaha, isaga oo xusay in dadkii ugu dambeeyay ee lagu dilay dalkaasi ay sii kordhayaan.




Antonio Guterres,  ayaa dhankiisa sheegay in labo ilaa seddex ku dhawaad 1.8 milyan oo ruux loo diiwaan geliyay qaxootiga Syria ee ku sugan yihiin dalalka Lebanon Turkey, Jordan, Iraq, iyo Masar iyadoo dadka badankoodna ay ku barakaceen gudaha dalka, tan iyo bilowdgii dagaalka Syria.








 




 




 




 




 








D




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com