Thursday, July 18, 2013

Kenya oo la Tacaalaysa Duruufaha Waxbarashada xili ay Macalimiintu Shaqo joojin ku jiraan todobaad 4-aad


Nairobi(GNA)-Dawlada Kenya waxay sheegtay inay horumarinayso waxbarashada dawliga ah.




Dawlada ayaa doonaysa inay Kombuyuuro kuwa gacanta ah u qaybiso Ardayda Fasalada 1-aad ee dugsiyada dawlada,balse qorshahaasi wuxuu ku soo beegmayaa xili todobaadkii afaraad ay shaqo joojin ku jiraan Macalimiinta dalkaasi.




Macalimiinta ayaa dawlada ka doonaya lacag Malaayiin Dollar ah oo Mushahar ah, ka dib markii ay Maxkamadda sare ee wadankaasi amartay in la siiyo lacagtaasi Barayaasha.




Dawlada ayaa sheegtay inay bixinayso lacag 17 Bilyan oo Shilinka Kenya ah, balse taasi way diideen Macalimiintu oo waxay ku doodayaan in la wada siiyo lacagta ay doonayaan.




Waxbarashada Kenya ayaa xiligan maraysa meel aad u liidata oo u baahan in Juhdi badan ay dawladu geliso.




Goobaha waxbarashada ee ku yaala deegaanada yar-yar ayaa ugu daran dhinaca hoos u dhaca warbarashada, iyadoo ay dadka qaarkood hada isu diyaarinayaan inay abaabulaan waxbarasho iskaa wax u qabso ah si loo bad-baadiyo ardayda sanadkan ka baxaysa Dugsiyada sare iyo fasalka 8-aad ee Waxbarashada hoose dhexe.




Deegaano hoos yimaada Magaalada Xeebta ku taala ee Mombaasa ayaa Dugsiyada ay ka maqan yihiin Barayaasha shaqo joojinta samaynayaa geeyay Macalmiin si mutadawacnimo uga dhigaya Maadooyinka Waxbarashada.




Mid ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Gobolkaasi iyo xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ah, ayaa sheegay inay talaabadan u qaadeen si aan dib u dhac ugu iman Ardayda Fasalada afaraad ee dugsiyada sare iyo kuwa sideed oo Imtixaankii Shahaadiga ah u fadhiisanaya sanadkan.




Duruufaha waxbarasho ee waddanka ayaa ku soo beegmaysa xili ay xiisad siyaasadeed oo daba socota Doorashadii  boqol maalmood ka hor ka dhacday wadankaasi, ka dib markii xisbiga uu hogaamiyo Raysal-wasaarihii hore ee dalkaasi Railla Odinga sheegay in Musuqmaasuq badani ku jiray Doorashadii lagaga guulaystay.




Gobanimonews




Nairobi Office