Thursday, July 18, 2013

Sarkaalkii bixiyay siraha Sirdoonka xukuumada Maraykanka oo si cad uga codsaday Magangalyo xukuumada dalka Russia


(GNA) Ilo wareedyo ku dhaw  dhaw Sarkaalka bixiyay sirta Sirdoonka Maraykanka Edward Snowden oo in mudo ah ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Moscow ee xarunta dalka Russia oo markiisii ugu horeysay dhawaan shir jaraaid ku qabtay gudaha garoonka Moscow ayaa maalinimadii shalay carabka ku dhuftay inuu magangalyo weedistay dowladda Russia.




Dhawaan dowladda Russia ayaa sheegtay hadii uu weydiistay Edward Snowden wax magangalyo ah ay siin doonaan islamarkaana ay ku qasbi doonaan inuu joojiyo siraha uu dibedda uga bixinaayo xakuumada Aqal Cadd ee Maraykanka oo ku keeni karta dib udhac siyaasadaha ay ka damacsanyihiin caalamka.




 








 




 




 




 




Dowladda Maraykanka ayaan ku qanacsanayn arinta dowladda Russia iyadoo uu ka dhexeeyo labada dowladda xurgufo siyaasadeed oo aan aad u kacsaneen .




Codsiga Edward Snowden ayaan wax jawaab ah kasoo saarin xukuumada dalka Russia inkastoo la filan karo waxa ay ka yiraahdaan saacadaha nagusoo aadan




.




 




 




 




 




 




Diyaarintii:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com