Stanbul(GNA)-Wararka ka Imanaya Magaalada Stanbul ee uu ka socdo shirka wada hadalada wajigii saddexaad galay ee Somaliland iyo somaliya ayaa sheegaya inay dhinacyada halkaasi kulanku uga socday isku fahmi waayeen qodobbadii ay kala wateen.
Laba maalmood oo dood adag ay wada lahaayeen Wufuudda labada dal, ka dib goor-dhaw, ayaa la soo gaba-gabaynayaa shirkaasi, waxaana wali socda kulan albaabadu u xidhanyihiin oo ay dhinacyadu kaga doodayaan arimaha horyaala.
Warar hordhac ah oo laga helayo Goobta shirku ka socdo ayaa tibaaxaya inay isku afgarteen labada ergo hal qodob oo qudha in laga sii wada hadlo, kaasoo ah arinta Maamulka Hawada somaliya oo ay Somaliland Miiska la taagtay, halka dhamaan qodobbadii kale ee ay labada wefti kala wateen Heshiis laga gaadhi waayay in la sii wado.
Somaliland ayaa shirka la tagtay inay Somaliya aqoonsato Gooni-isutaageeda iyo inay Mag-dhow ka bixiso dawlada Federaalku xasuuqii iyo bur-burkii Dawladii siyaad barre u geystay Shacbiga Somaliland sanadihii 80-kii.
Somaliya ayaa iyaduna taasi bedelkeeda madasha la shir tagtay inay Somaliland ogolaato Midnimada Somaliya iyo in laysu furo siyaasiyiinta labada dal inay booqdaan Muqdisho iyo Hargeysa, isla markaana saraakiil ka socota Dawlada somaliya Somaliland yimaadaan.
Gobanimonews
Stanbul/ Turki