Wednesday, July 10, 2013

Xisbiga UCID oo Wada socod la’aan siyaasadeed ka muuqato






Hargeysa(GNA)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxa muuqata inuu ku kala qabsanyahay Wadahalada Somaliland iyo somaiya iyo qaabka loo waajahay.




Ka dib markii Guddoomiyaha xisbigaasi horaantii todobaadkan fariin Xajiimaysan ka daba –diray weftiga Somaliland ee Wadahaladaasi kaga qayb-galay magaalada Stanbul, oo sida hadalkiisa ka muuqatay uu ka biyo-diidsanaa go’aanka lagaga reebay, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa, ayaa shalay si cad u sheegay in Xisbigoodu soo dhaweynayo Wadahadaladaasi, oo ay ku tilmaameen arin muhiimadeeda u leh qadiyada Somaliland.




Jamaal Cali Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan oo shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ka dib soo saaray Warsaxaafadeed lix qodob ka kooban, ayaa sidoo kale talooyin ka soo jeediyay qaabka ay u arkaan in wada hadaladaasi loo waajaho.




Waxaanu Warsaxaafadeedkoodu u dhignaa sidan:




“1.     Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u dhiirrigelinayaan;  haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku inuu noqdo mid midho dhal ah, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco ah.




2.     Waxaanu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto, in marka hore la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo.  Marka la isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay arrimaha shirka lala tegaayo.




3.     Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu  yahay mid aan gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland. Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga go’an in aanu shacabka la wadaagno.




4.     Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha dhexe iyo beelaha darifyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indhotirka dhowraana wadajirka, calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land.




5.     Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda Kenya.




6.     Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.”




ILaahaybaa mahadleh, Somaliland Guul.”




Hadalada isdhaafsan ee ay ka soo yeedhaya  Madaxda Xisbiga Ucid ayaa u muuqda ku salka ku haya isku xidhnaanshiyo la’aan iyo wada socod la’aan siyaasadeed oo ka dhex jirta hogaankiisa.




  Gobanimonews




Hargeysa Office