Muqdisho(GNA)-Waxa sii kordhaya weerarka uu Axmed Godane ku hayo horjaagayaasha kale ee ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka hor yimid fikirkiisa, isagoo gacanta ku soo dhigay xubno cusub oo uu ku dabo-jirey xabsigana dhigay.
Wararka aanu ka heleyno dhinaca maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegaya in horjooge Godane uu gacanta ku dhigay isla markaana uu xabsiga dhigay hogaamiyayaal ka soo horjeeday fikirkiisa, kuwaas oo uu ka mid yahay horjooge lagu magacaabo Xasan Afrax oo hore u caddeeyey inuu ka soo horjeedo fikirka Axmed Cabdi-godane.
Lama sii saadaalin karo sida ay noqon karto xaaladda horjoogayaashan iyadoo la wada ogyahay in Axmed Godane uu hore u dilay horjoogayaal uu ka mid yahay ku xigeenkiisii oo loo yaqaanay Ibraahin Afqaan iyo horjooge Macalin Burhaan.
Hadana waxa sidaasi si la mid ah gacanta u galay horjooge Xasan Afrax iyadoo warar kale ay sheegayaan in horjooge Fu’aad Shongole uu ka mid yahay horjoogayaasha u gacan u galay maleeshiyaadka taabacsan Axmed Godane.
Axmed Godane ayaa looga bartay inuu dilo cid kasta oo ka hor timaada afkaartiisa, waxaanu dilay gacan yarihiisii Ibraahin Afqaan oo muddo badan ay soo wada galeen halgan dheer oo ay kaga soo horjeedeen Ciidamada Huwanta ah ee ay dagaalka kula galeen Magaalada Muqdisho iyo Goobo kale oo Somaliya ka mid ah.
Lama garan karo meesha ay ku dambayn doonaan Hogaamiyayaasha sarsare ee Al-shabaab oo u muuqda qaar iyagu gacantooda isku hoynaya ama is-gumaadaya.
Gobanimonews
Muqdisho Office