Monday, July 8, 2013

Qalfoof isugu jira Somali iyo Ajaanib oo laga helay Hobyo


(GNA) Maydadk ku dhawaad Lix qof oo Saddex Soomaali ay yihiin midna uu ajnabi yahay ayaa maanta laga helay deegaanka Xiin-Dawaco oo ka tirsan deegaannada hoos-taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Ciise Xasan Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug, kuna sugan degmada Hobyo ayaa arrintan u xaqiijiyay Warbaahinta, isagoo tilmaamay in ay aaseen meydadka badda laga soo saaray oo loo maleynayo inay isugu jiraan shaqaale ka tirsanaa markab shalay ku dagay xeebta Xarardheere iyo burcad badeeddii haysatay markabka.
Markabka degay oo lagu magacaabi jiray Albedo ayaa la sheegay in laga lahaa dalka Malaysia wuxuuna gacanta kooxaha burcad badeedda ku jiray ku dhowaad labo sano.
Meydadka ayaa waxaa la arkay iyaga oo ay cuntay badda iyo Ciida kuwaasoo lagaran waayay Muuqaalkooda balse la xaqiijiyay inay ku jiraan Ajaanib.
Meydadk ayaa waxaa lagu aasay deegaanka Xiin-Dawaco.








 




 




 




 




 




 




 








 




 




 




 




 




 








 




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews.com