Muqdisho(GNA)-Dibad bax kooban oo ay ka qeyb galeen haween sitay boodhadh ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu dalbanayo in Sheekh Xasan Dahir la soo taago Maxkamad ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Jidka Maka Al-Mukarama Magaalada Muqdisho.
Dibad baxan ayaan la ogeyn cida sida dhabta ah u soo qaban qaabisay, hase ahaatee waxaa uu jawaab u ahaa banaan bax maalin ka hor ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan, kaasoo looga soo horjeeday xadhiga Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaabkii loola dhaqmay odayaashii keenay Muqdisho.
Haweenay ka mid ah dadkii boorarka sitay ayaa sheegtay in Xasan Dahir ka dambeeyo dhibaatooyinka dalka ka dhacay, sida barakaca shacabka iyo qaraxyada, iyadoo codsatay in Maxkamad la soo taago.
"Soomaaliya waxay u baahan tahay cadaalad Maxkamadeed, aynu ka gudubno Qabiil una midoowno Cadawgenna, Xasan Daahirm waxaa uu dilay Wiilasheenii, Walaalaheenii, iyo Odoyaasheenii iyo Gabdhaheenii" sidaasi waxay ku qornayd Boodhadhka dibadbaxayaashu siteen
Maalmo ka hor ayay aheyd markii dadweyne mudaaharadaayay ay ku qeyla dhaamiyeen in Xasan Dahir dawladdu sii deyso, isla markaana la soo dhoweeyo Hogaamiyeyaasha Shabaab ee isu soo dhiibayay.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Dahir uu ku jiro gacanta ciidamada ammaanka, isla markaana la weydiinayo su'aalo ku saabsan howlihii uu ku guda jiray , inkastoo aanu Sheekha wali saxaafada la hadlin, dawladuna aanay cadaynin waxay ka yeelayso.
Si kastaba ha ahaatee dadka la socda arinta sheikh Aweys, ayaa ,ujeedada banaan baxyadan ku tilmaamaya kuwo salka ku haya arrimo qabiil.
Gobanimonews
Muqdisho Office