Tuesday, July 9, 2013

Somaliland:Shirkaddo Qalin Shubato ah oo sii Badheedh ah uga hawl-gela iyo Xidhiidhka ka dhexeeya Mashruucii jiif oo jaq


Hargeysa(GNA)-Somaliland waxa ka socda Mashruuc shaki weyn bulshada ku abuuray oo Lacago xad dhaafa looga qaadaya dadka sifo aan sharci ahayn oo Mugdi ku jiro, taasoo la sheegay in dadka qaar lagaga iibinayo wax lagu tilmaamay Daawo dhaqameed, qaarna lacag nooceeda lagu sheegay Abaal-marin la siinayo.




Mashruucan waxa wada shirkad dadka badankiisu Qalin-shubato ku tilmaameen, qofka ka qayb-qaadanaya waxa laga qaadayaa $20 oo Diwaan-gelin ah, waxa lagu war-gelinaya inuu keeno ugu yaraan shan qof oo kale, hadii uu tiradaasi keeno, waxa uu qaadanayaa lacag abaal marin ah oo qadarkeeda lagu sheegay 150 Dollar ilaa $200, taasoo qayb ka ah Lacag Boqol Doolar lagu sheegay oo dadka uu qofku keeno Daawo lagga iibinayo.




Sheekadda Mashruucan la xidhiidha ayaa ah mid Bulshada wada gaadhay, waxaana si gaar ah ugu Ololeeya Haween ka mid ah Shirkadan oo qaarkood Sub-station u yihiin kuwo kale oo suuq-geynaya mashruucan.




Ilaa laba xarumood oo Mashruucan lagaga maamulo ayaa Gobanimonews loo xaqiijiyay, waxaanay dadka u dhabo galay boqolkiiba Sagaashan ka Digayaan Maxsuulka Mashruucan oo ay ku sifeeyeen Shurko loo bixiyay jiif oo Jaq oo Sanado hore Lacag adag lagu dhacay, waxaana shakiga ugu weyn abuuray Shuruudo lagu xidho qofka Mashruucan ku biiraya marka la diwaan-gelinayo.




“Markaad gasho Xafiiska, waxa lagaa qaadayaa $20, dabadeed waxa lagu dhiibayaa Buug shuruudo badani ku qoranyihiin, buugaas markaad akhrido, waxa lagugu xujaynayaa inaanad sirta shirkadan bixinayn, hadii aad bixisona lagu Eryayo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay mid ka mid ah Dumarka shirkadan isku dayay inay galaan ee ka biyo diiday sida ay wax u wadaan dadka hawshan ka dambeeyaa.




Sarkaal ka tirsan Laamaha amaanka oo Gobanimonews arintan wax ka waydiisay ayaa tilmaamay in mashruucan boqolkiiba sagaashan Dumarka lagaga qaado lacag “Way  jiraan kooxo qalin shubato ah oo Haweenka intay u yeedhaan ku Odhanaya shaqo abuuris ayaa la samaynayaa, dabadeed qofka marka hore waxa laga qaadayaa 20$, waxaana lagu Odhanayaa shan qof oo kale hadaad keento lacagbaa lagu siinayaa, shantaa qof markuu keeno waxa la qabanayaa kulan sibinaar oo kale ah, dabadeed laba laba Boqol oo Dollar ayaa laga qaadayaa.”




Sarkaalkan oo Magaciisa qariyay ayaa intaasi ku daray“kooxdani waxay xafiisyo ku leeyihiin Magaalada dhawr jeer ayaa la qab-qabtay oo qaarkood la xidh-xidhay, waxaanay u eegyihiin macno u eeg Jiif oo Jaqdii Lacagta badan lagu kala dhacay Berigii hore, iyagoo dadka u sheegaya inay shirkaddo shaqo abuuriseed samaynayaan.”ayuu u sheegay Gobanimonews.




Sidoo kale mid ka mid ah Dhalinyarada ku dhaqan Caasimada hargeysa ee Sheekadan u kuur-galay ayaa tibaaxay in arintani Dalka oo dhan ku baahday.“sheekaddani waa sheeko dalka oo dhan sida muuqata ku baahday oo macno Jiif oo jaqda wixii la odhan jiray u eeg, markaad meesha tagto, waxaad bixinaysaa $20, waa lagu diwaan-gelinayaa, dabadeed waxaad bil kasta qaadanaysaa $150, hadii dhawr qof keentana boqol iyo kontonkaasaa kuu sii kordhaya”.




Xafiisyada hawshan lagu qabto waxa lagu iibiyaa daawo dhaqameed, markaa dadka waxa lagaga iibiyaa daawo Boqol Dolar qiimaheedu yahay, taasaa lacagta laga siinaaya qof”.ayuu Gobanimonews u  sheegay Axmed Shiine oo ka mid ah Da’yarta sheekadani soo jiidatay ee dib uga maagay markii ay u fuursadeen.




Qaar ka mid ah dadka qalin shubatadan u  dhabo galay, balse wali natiijo aan ka gaadhin halka ay salka ku hayso ayaa iyaguna aaminsan “arintan markii aan warsaday ee aan daba-galay waxay u muuqataa wax NGO laga keenay oo dadka lagu dhacayo, Haween arintan iiga sheekeeyay waxay sheegeen in lagu yidhi lacag 20 Dollar ah ayaad marka hore bixinaysaa, dabadeed dhawr qof hadaad keento waxa lagy siinayaa lacag, lacagtaa waxa laga samaynayaa dadkan uu qofku keenay oo lacag ilaa laba boqol oo Dollar ah ($200) laga qaadayo”,sidaasi waxa yidhi Cabdisamad Muuse oo ka mid ah Odayaasha Reer Hargeysa.




Waxaanu Cabdisamad isagoo ka digay waxa ka soo fool leh sheekadan sheegay “Runtii Sheekadani markii aan daba-galay waxay u muuqataa dhac, waayo wax damaanad ah iyo qaab wax u socdaan toona ma jirto, xafiisyo badan oo hawshan ku lug leh ayaana jira oo magaalada ka furan, waxaanay u baahantahay arintani in la baadho oo ay hay’adaha amaanku ka hortagaan, khatarteeda, waayo waxay u eegtahay sidii lacagtii lagu kala dhacay Share-ka oo kale.”




Kooxaha ku lug leh sheekadan Dareenka badani ka dhashay, ayaa Masuuliyiinta dawlada qaarkood digniin ka soo saareen, waxaana wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo dhawaan tibaaxo ka bixiyay ku sheegay inay shurako la yihiin Dadka Tahriibta ka shaqaysta oo waji cusub u bedelay qaabkii hore ee ay ku shaqaysan jireen.




Wasiir Maxamuud Axmed Garaad todobaadkii hore ka hadlayay  kulan Bulshada lagaga wacyi-gelinayay Tahriibka oo ka dhacay magaalada Hargeysa , kaasoo uu dadkii ka soo qayb-galay ku baraarujiyay inay Hay’adaha amaanka u sheegeen hadii ay arkaan Kooxo Bulshada ugu gacan haadinaya Mashaariic shaqo abuuris ah oo aan hore loo arag ama shaki badan dhalinaya.




“waxaan Bulshada uga digayaa oo aanu heynaa in Shabakaddihii Tahriibku markii la ogaaday ee ay fashilmeen samaynayaan  farsamo cusub oo ay doonayaan inay ka dadka ku manjaro habaabiyaan, iyagoo ku soo gabanaya NGO oo ay samaysteen oo shaqo abuuris baanu samaynaynaa dadka ku duufsanaya”.




Wasiirka oo sida muuqatay xogo badan oo sheekadan ku saabsan hayay ayaa intaasi ku daray “Xogaha aanu helnay waxay sheegayaan inay dadkaasi qaban-qaabinayaan kulamo ay dadka ku wacyi-gelinayaan oo ay waji kale u isticmaalayaan, markaa waxaan ka codsanaynaa cidii dadkaa aragta inay dhakhso noogu soo sheegaan si wax looga qabto”.




Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan Hay’ada Bixiya Ruqsadaha Ganacsiga, gaar ahaan Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud oo Gobanimonews wax ka waydiisay inay shirkadahani u diwaan-gashanyihiin nidaamka ay u dhisanyihiin, ayaa sheegay inaanay wax sharci ah haysan dadka hawshan faraha kula jiraa, isla markaana Hay’ada Wardoonku daba socdaan dadka sheekadan ka dambeeya iyo ujeedada laga leeyahay.




Geesta kale, xubno ka mid ah Dadka Booqday Xarumaha shirkadan laga shakisanyhay, ayaa Gobanimonews u sheegay inay ku soo arkeen dad badan oo kayuu ugu jira Xarumahaasi, gaar ahaan xarunta wax-iibka u qaabilsan oo ku taala agagaarka Hargeysa Cinema, ama ka soo horjeedka Hudheelka National, loo yaqaano.




Si kastaba ha ahaatee waxa laysku raacsanyahay inaanu Mashruucani ahayn mid sharci iyo Bartilmaameed toona leh, kuna socdo qaabkii u u dhignaa  Mashruuc Malaayuun Dollar lagu dhacay sanadihii 2008-2009-kii oo loo bixiyay  Jiif oo jaq, kaasoo ay mu’alifeen dhawr dumar oo Reer hargeysa ahi, dabadeed lagu xaday boqolaal qof oo kale oo lacago lagaga qaaday “$1000, hadaad dhigato Bishii waxaad helaysaa 150 Dollar oo Faa’ido ah, lacagtaadiina way kuu oolaysaa.




Lacagta Mashruucaasi lagu dhacay oo lagu qiyaasay ilaa 18 Milyan oo Dollar, ayaa mar kaliya la waayay meel ay ku dambeysay,iyadoo Dumarkii Hindisay ee lacagta ugu badan loo dhiibtay qaarkood dibada u dhoofeen, qaarna xabsiyada amaan ahaan loogu xidhay .




Waxaana xusid mudan in boqolaal qof oo Dumar u badan oo shirkaddaasi Hanti lacageed kala degtay aanay wax  Magdhow ah helin, kuwaasoo qaarkood Guryo Ban-galooyin  ah u Xaraasheen sidii ay uga qayb-geli lahaayeen hanaankan Ganacsi ee Tuugada ku dambeeyay.




Waxaanay dadka Iminka sheekadan cusub ee la hal-abuuray la socdaa ka digayaan inay ku dambeyn doonto sidii dhacdadaas oo kale, waxaanay dawlada u soo jeedinayaan inay arintan ka hor-tagto.




Gobanimonews




Hargeysa Office




hadaad Wax Macluumaad ah ka hayso sheekadan.




fadlan Email-kan noogu soo dir:




edito@gobanimonews.com