(GNA) Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay 12 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay kadib markii uu kusoo dumay Labo Hotel ee ku yaallay waqooyiga dalka India.
Booliska iyo qolooyinka badbaadinta ayaa waxa ay sheegayaan iney wali jirto dad iyagu ku hoos jira dhismaha soo dumay waxaana soconaysa daad gureen iyo baadi goobyo loogu jiro qaar kamid ah shaqaalaha Hotelka oo la aaminsanyahay iney ku hoos jiraan dhismooyinka soo dumay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka India Anurag Sharma ayaa warbaahinta usheegay iney jiraan Khasaaro aad u adag islamarkaana ay goobta soo duntay ay ku Khasaareen naf iyo maal .
Gobanimonews