Hargeysa(GNA)-Wax maanta lagu qabtay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland xaflad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay.
Munaasibadaasi waxa ka soo qayb-galay dhamaan Masuuliyiinta Wasaaradaasi, waxaana ugu horayn ka hadlay agaasimihii hore ee tamarta iyo biyaha Siciid Axmed Jibriil, waxaanu soo dhaweeyay Agaasimaha cusub ee xilka kala wareegayay, kaasoo uu uga waramay halka ay wax u marayaan iyo waxyaabaha u qabsoomay intii xafiiska joogay.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay agaasimaha cusub ee Tamarta iyo Biyaha Mudane C/risaaq Jaamac Nuur, waxaanu sheegay inaanu ku cusbeyn xilkani, isla markaana uu wax badan soo qabtay agaasimihii hore.
Waxa kale oo uu iftiimiyay in biyaha iyo noloshu ay isleeg yihiin ay tahayna in si hagar la’aan ah loo qabto hawsha wasaarada tamarta iyo biyaha iyadoo si weyn la isaga kaashanayo.
Waxaa kale oo isaguna halkaas ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada Mudane Xuseen Ducaale, kaasoo sheegay in xilka loo soo magacaabay agaasimahani ahayn mid ku cusub xirfad iyo aqoon dheeraad ahna u leeyahay xilkan loo soo magacaabay oo ah buu yidhi mid kaalin weyn ugu jirta nolosha Qaranka Somaliland Madaxawaynuhuna uu si weyn uga soo fikirey soo magacaabista agaasimahan guud, oo sida uu sheegay wax weyn ka badali doono shaqada wasaaradaasi oo suurtogalin karta inay soo saarto shidaalka iyo biyahaba.
Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaarada Biyaha iyo Tamarta Mudane Xuseen Axmed Cabdile, kaasoo sheegay “biyho la’aani waa nolol la’aan ee ha loo dadaalo waxaanu noqon doona nahayna laba wasaaradood oo wada shaqeyni ka dhaxayso inaanay wax ka hagran shaqaalaha lala wareegay ee wasaarad ee ma guurtada ahina uu yahay 85 qof oo khibrad dheerada leh”.
Khadar Maxed Xaashi
Gobanimonews
Hargeysa Office