Hargeysa(GNA)-Muddo sanad ka hor ah Daladda Midaysa Ururadda Dhalinyarada Somaliland waxay raadinayeen xuquuq ka maqan dhalinyarada, oo ka madhnayd Golaayasha siyaasadda Qaranka.
balse xiligaasi wixii ka dambeeyay ilaa hada waxa muuqda Hiil Alle iyo hawl-gal guulaystay kay doontaba haku timaadee inuu jiro Mustaqbal Ifaya iyo Tobanaan Rag dhalin yaro ah oo ka dhex muuqda Golayaasha siyaasadda Dalka, sida Deegaanadda iyo Fulinta oo Madaxweyne siilaanyo laba todobaad ka hor ku soo horay Agaasimeyaal dhalin yaro ah Xafiisyada Wasaaradaha.
Arinta ayaa loogu magac dari kari karaa curashadii Gu’ga Dhalinyarada iyo Guushii Himiladda 20 Jirka, waxaanay durba wax ka bedeshay Yuhuunta boqolaal Doob iyo Gashaantimood oo bilo ka hor ka rejo-dhagay ku sii negaanshiyaha waddanka, ka dib markii ay fursado shaqo iyo medadaalo waayeen, markii ay dhamaysteen Waxbarashada Jaamacaddaha iyo Dugsiyada sare.
“arintani waxay rejo ku abuuraysaa dhalinyarada waddanka ka tahriibaysa, waxaanay higsanayaan mustaqbal la mid ah ka ay heleen saaxiibadooda xilalka loo magacaabay iyo kuwa ku soo baxay Codka shacbiga ee Golayaasha Deegaanka Fadhiya” sidaasi waxa yidhi Axmed Xaaruun oo muda toban sanadood ka badan ka hawl-gelayay Xafiisyada dawlada, walina shaqaale ka ah.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cismaan oo ka mid ah Dhalinyarada ka shaqaya hay’ada Muxaliga ah ee dalka ayaa aaminsan inuu haysto fursad uu Mansab sare kaga heli karo Xukuumadda, waxaanu ii sheegay inuu xil doonanayo dhawaan “aniga Line-ka beeshadayduna wuu gaabanyahay oo waxaan aaminsanahay inaan xil ku heli karo si fudud, maadaama oo la magacaabay rag aanu isku da’ nahay”.
Marka la eego dib u hibashada rabitaanka Dhalinyaradan, waxa cad in boqolaal kale oo dhigooda ahi xiligan u dhaqaaqayaan sidii ay uga soo kici lahaayeen Marshafyada iyo meelaha lagu sheekaysto, isuna dhisi lahaayeen sidii ay jaanis u heli lahaayeen. Waxa kale oo xusid mudan in kumanaan kale oo aan hore waxbaranin iska xaadirinayaan goobaha Waxbarashada Deg-deg ah iyo Xirfadaha lagu barto.
Daraasaddo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%) dadka Reer Somaliland ay yihiin dhalinyaro, sidaasi darteed looga baahanyahay inay ka faa’idaystaan fursada ay haystaan.
“Dhalinyarooy waddankan Mustaqbalkiisa idiinkaa leh, idinkaa laydiinka baahanyahay inaad wax kala soo baxdaan oo ay xoogiina iyo Xirfadiina ku horumarisaan” sidaasi waxa yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo fariin dar-daaran ah Dhalinyarada uga soo jeediyay munaasibad uu xilka kula wareegayay in Dhalinyaro ah oo agaasime guud dhawaan Wasaaradaasi loo magacaabay.
Magacaabista Agaasimeyaasha Da’da yar waxa ka horeeyay oo Kuraasta Golayaasha Kalsooni shacbi ku fuulay ku dhawaad Toban Maayir oo ku soo baxay Doorashadii Golleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2012 iyo boqolaal Xildhibaan oo ku jira Golayaasha deegaanka ee Magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka yar-yar, kuwaasoo tusaale loo soo qaadan karo Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Caasimada hargeysa oo ah laba Nin oo Da’ ahaan aad uga yar heerkii hore loogu qadarin jiray masuuliyada ay hayaan.
Maayirrada Degmooyinka Oodweyne, Boorama iyo Gabiley ayaa iyaguna tusaale aan la inkiri Karin u ah Milicsiga hogaamiyeyaal aad u da’yar oo manjaraha u haya Hawlo culus iyo u adeegista Bulshada, kuwaasoo ay ka garab shaqaynayaan Kooxaha kale ee ay isku lodka iyo Layliga yihiin oo guntiga dhiisha iskaga dhigaya inaanay ku fashilmin ka midho dhalinta Kalsoonida shacbigu u huray.
Waxa arin la mahadiyo ah inaan Guusha laga hadlayaa ku iman Inqilaab shacbi iyo Kacdoon aanu Dhiig ku quban ee uu ku yimi Isbedel sharci iyo qorshe siyaasadeed oo wakhti kooban iyo waayo aan laga baaraan degin ku hir-gelay, waayo maaha arin la dhayalsan karo in dad Mujtamaca Dalka ak 75%, ay hadana ka qatanaadaan Manaasiibta laga jaan-gooyo siyaasadda lagu hagayo, sidii ay mudo ka hor arintu ahayd.
Ka dib markii Daladda Dhalinyarada Somaliland iyo dadka u ololeeya taaba-gelinta yoolkan natiijada wanaagsan laga gaadhay Olole ku qaadeen in isbedel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka laga bilaabo Doorashadii Golayaasha Deegaanka, kaasoo wax ka bedelkiisa lagu meelmariyay in dhalinyarada da’doodu gaadhay 25 ay u tartami karaan Kuraasta Golayaasha la soo doorto oo ay deegaamadu ugu horeeyaan.
Xeerkaasi ayaa markii hore jidaynayay oo qudha inuu is-sharixi karo qofka da’diisu gaadhay 35 Jir, labadaa da’ood oo farqi weyne u dhexeeyo, isla markaana caqabad weyn ku ahaa tirada ugu badan ee dhalinyarada wax-baratay oo aan wali halkaasi gaadhin.
Ka dib markii uu xeerkaasi dhaqan-galay ee laga lib-gaadhay, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa fursada labaad ee meel-marinta Hindisaha dhiiri-gelinta dhalinyarada oo uu hore u balanqaaday hir-geliyay, isagoo Kuraas badan oo siyaasadeed u magacaabay ilaa bilowgii dhismaha Xukuumaddiisa dhalinyaro fara badan , waxaanu markii ugu dambeysay Ooda ka qaaday todobaan dhalinyaro oo uu xilal u magacaabay, xili Jahawareer badani ka taagnaa Jihaynta Dhiiga cusub ee ku dhimashada Saxaraha Suudaan iyo Badweynta Talyaaniga ka door-bideen Noloshada waddankooda.
Si kastaba ahaatee inkasta oo ay arintani marayso meel fiican, hadana waxa xaqiiqo ah inaanu wali gaadhin halkii loo baahnaa rabitaanka dhalinyaradu,balse ay jiraan fursado badan oo ay haystaan kuw quud-daraynaya inay sida facooda bulshada u adeegaan.
Ka qayb-galka Doorashooyinka Wakiiladda iyo Guurtida ayaa ka mid ah fursahada isa soo taraya ee ay haystaan dhalinyaradu inay ka soo fuulaan Saaxadda siyaasada , balse kuwa wali aan ka jibo keenin damacoodu wax micno ah samayn maayo, hadii ay kuwa darka uga horeeyay ee shaqaynayaa ku fashilmaan hawlaha loo Igmaday.
Kuwaasoo lagu tilmaansan doono goolka ugu dambeeya ee tirada is-leegta ah ee shabaqa laga saaro oo ah midka Guusha lagu suntan doono, hadiise ay sidaasi arintu noqon waydo oo ay noqdaan kuwo lagu kadmay taasi waxa ay mar kale god madow ku ridi doontaan rejadda wanaagsan ee laab lakaca iyo lahashada cusub ku beertay kuwa Tahriibka ka abd-baaday.
Gobanimonews
Hargeysa Office