Wednesday, July 17, 2013

Kenya oo sharuud ku xidhay inay ciidamadeeda kala baxado Soomaaliya.


Nairobi(GNA)Ninka La taliyaha ka ah dhanka siyaasada ee wasaarada arimaha dibada dalka Kenya Zaddock Syong’oh oo la hadlay warbaahinta dalkasi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya sii joogi doonaan ilaa ay ka xaqiijiyaan amaanka,sida uu hadalka u dhigay.
“Amaanka Kenya ee dhanka xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, waa mid la xidiidha nabad iyo xasilooni ka dhalata dalka, sidaasi daraadeed ciidamada Kenya kama bixi doonaan Soomaaliya iyo degenaanta la xaqiijiyo”ayuu yidhi la taliyaha dhanka siyaasada ee wasaarada arimaha dibada Kenya.




Dhanka kale lataliyuhu wuxuu sheegay in ujeedada ciidamada Kenya ay tahay xaqiijinta amaanka ee deegaanada Jubbaland,halkaasi uu ku sheegay inay tahay halkii laga soo abaabuli jiray weerarada lagu qaadayay dalka Kenya.




 








Zaddock Syong’oh, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Kenya aaney cid si gaar ah u taageereynin, sida uu hadalka u dhigay isagoo dhanka kale sheegay in amaanka Soomaaliya ay xaqiijin doonaan.




Ciidamada diowlada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu eedeeyay marar badan inay ka qeyb qaateen dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo, inkastoo dowlada Kenya ay beenisay arintaasi.




Si Kastaba ha ahaate ciidamada Kenya ayaa gudaha dalka Soomaaliya usoo galay sanadii 2011 bishii October xiligaas ay ka saareen Al Shabaab gacan ku hayntii magaalada xudunta u ah gobolka Jubbadda Hoose ee Kismaayo waxaana dhawaan lagu eedeyay ciidamada Kenya inay xasuuq ka gaysteen gudaha magaalada Kismaayo iyo daafaheeda.




Gobanimonews.com