(GNA) Dhaqanka Qofka iyo qaabka ay Shakhsiyadiisu tahay waxa laga dheehan karaa oo lagala soo dhex bixi karaa, cadooyin iyo ficilo badan oo uu qofku sameeyo, tusaale ahaan qaabka uu u hadlo, u qoslo ama dareenka uu ka bixiyo dhacdo soo waajahday.
Haddaba khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo ku xeel dheer cilmi nafsiga, “Psychology” oo lagu magacaabo Joseph Messeger ayaa soo saaray, baadhitaan uu muddo dheer waday, kaas oo uu ku kala dhig dhigay hababka ay dadku u qoslaan iyo sida ay muujinayso dabacadahooda ama dhaqankooda oo laga akhrisan karo shakhsiyada qofka marka uu qoslayo qaabka uu u qoslo.
Dhamaanteen waxa aynu og nahay in qof walba si u qoslo oo aanu qofna qof la qosol ahayn, tusaale ahaan waxa jira dad marka ay qoslayaan gacantooda saara afka ama qariya in la arko qosolkooda, dadkaas waxa uu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, kuwo aan kalsooni badan qabin, oo canaan ka yaab ah, khajilaadina ku jirto, waxaanu tusaale u soo qaatay hablaha gashaantimaha ah iyo dhalinyarada ardayda ah, oo intooda badani adeegsada ama u qosla habkan, kuwaas oo ay ugu wacan tahay ama dhaqan ahaan in lagu tarbiyadeeyay ama cabsi macalimiinta iyo waalidku sareen ka dhalatay.
Waxa kale oo jira dad qosla iyaga oo afka isku haya oo aan marna ilkahooda la arag, kuwaas oo hasa yeeshee la arko jidhkooda oo ruxmaya ama dhaq dhaqaaqaya qosolka awgii, dadka noocaas u qosla ayuu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, dad aad u liita oo aan lahayn go’aan qaadasho dhab ah haddii arrimuhu ku adkaadaan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobonimonews.com