Tuesday, July 16, 2013

Somaliland: Xukuumadda oo Culimadda Diinta talo Bidaysa xili Duufaan siyaasadeed ku kacsantahay


 




Hargeysa(GNA)-Kulanka Madaxweynaha iyo Culimadda wuxuu ahaa kii labaad ee ay yeeshaan labadii Ramadaan ee ugu dambeeyay, waxaanu ku soo beegmay kan xalay dhacay xili Xiisado siyaasadeed ku oogan yihiin Madaxtooyada.




Sidaasi darteed qaar ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in u yeedhmada madaxweynuhu salka ku hayso inay ka qayb-qaataan dejinta duufaanka ku kacsan xukuumadda, gaar ahaan ta ay hormuudka ka ka yihiin xubnaha sida weyn looga ixtiraamo Golayaasha siyaasadda.




Sidoo kale waxa lagu fasilan inay muuqato baahi dhinaca la dagaalanka Xag-jirmada ah oo ay xukuumaddu doonayso inay kala qayb-qataan Culimadda waaweyn iyo kuwa cusub ee sida weyn loo qadariyo, waxaana taasi muujinaya hadalka wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo kulankaasi culimada ugaga baaqay inay la shaqeeyaan Dawlada.




Waxa xaqiiqo in Madaxweyne Siilaanyo kaga duwanyahay Madaxweyneyaashii hore la xidhiidhka Culimada diinta oo ah dadka ugu mudan bulshada dhexdeeda, waxaanay taasi sawiraysaa inuu muujinayo fur-furnaan siyaasadeed iyo inuu fursad siinayo cid kasta oo ka mid ah Bulshada, isagoo hore ula kulmay Ardayda Dugsiyada dawlada oo aad ugu riyaaqay inay la kulmaan Madaxweynahooda.




Kulankan Madaxweynuhu xalay la kulmay culimadu wax sidaasi u weyn kagama duwana kii sanadkii hore, balse wuxuu sheegay inuu doonayo inuu talo geliyo Culimada oo wixii toosin ah ay u soo jeediyaan xukuumadda “waxaanu doonaynaa inaanu culimada la tashano oo aanu wixii talo iyo toosin ah ee ay la yimaadaan aanu kaga qayb-gelino talada”ayuu sheegay Madaxweynuhu mar uu la hadlayay culimada.




Inkasta oo Madaxweynaha hadalkiisa laga dhadhansanayo debecsanaan, hadana sida muuqata kama madhna qorshe siyaasadeed oo ay xukuumaddiisu kula macaamilayso Hormuudka bulshada ee dhinaca Diinta, maxaa yeelay waxa soo kordhaya dhaqdhaqaaqyada Firqooyinka Diinta oo hada ka qayb-qaadanaya tadawaraadka Bulshada, sida wacyi gelinta Tahriibka iyo ficiladda faasuqa ah.




Doorka Culimadda ee wacyi gelinta Bulshada ayaa ah mid marba marka ka dambeysa kordhaysa, waxaanay taasi muujinaysaa ilbaxnimo culimadu ku soo dhexgelayso bulshada Dadka, iyagoo ka qayb-qaadanaya Barmaamujyada Ijtimaaciga ah ee socda.




Bilihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah Jimcyidaha islaamiga ah iyo kooxo wax ka barta Jaamacadaha islaamiga ah ee ku yaala Somaliland, ayaa qabtay kulamo waaweyn oo ay la yeesheen Ardayda Dugsiyada Maadiga ah iyo dadka wax-garadka ah, waxaanay kulamadaasi qayb ka ahaayeen Barmaamujyo lagu jooinayay Tahriibta  dhalinyarada oo faraha ka baxay.




Balse xiliga kulamadaasi ay socdeen qaar ka mid ah culimada kala aaminsan  Firqooyinka  Salafiyiinta iyo Ictisaamka, ayaa eedeymo isaga soo jeediyay Masaajidada Magaalada Burco, waxaanay eedeymahaasi daaha ka faydeen filashada muran diimeed oo ay horseed u noqdaan kooxahaasi.




Waxaanay arintaasi timi maalmo yar uun ka dib markii la bedelay Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo lala xidhiidhin jiray inuu gacan-saar laleeyahay Ururo diimeed oo ka dhisan Geeska Afrika iyo wadamo kale oo ku yaala dunida saddexaad.




Tani waxay xaqiijinaysaa sida la aaminsanyahay in Wasiirka arrimaha gudaha  ee cusubi si weyn isha ugu hayay eedeymaha Kooxaha Diiniga ahi isdhaafsanayeen, si loo soo afjaro arimahoodana Dawladu ka shaqaynayso sidii laysugu soo dhaweyn lahaa, iyadoo masuuliyada arintaasina looga baahanaa Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheikh Khaliil Cabdillaahi.




Si kastaba ha ahaatee dadka ku xeer dheer arimaha siyaasaddu waxay u arkaan kulanka Madaxweynaha iyo Culimadda ee shalay mid baahi weyn loo qabay, balse waxay leeyihiin looma baahna in looga faa’idaysto rabitaanka siyaasadda xukuumadda ee xiligan dalka ka taagan, gaar ahaan arinta culayska ku ah Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo ah Golaha Wada-tashiga Qaran ee dhawaan lagu dhawaaqay.




Gobanimonews




Hargeysa Office