(GNA) Duqeyn diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ay ka geysteen waqooyi galbedka dalka Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inay ku dileen labo kamid ah ciidamada Taliban.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay ku dhacday dadkaasi iayaga oo ku socdaalay Mooto, waxaana waxyeelo ay soo gaadhay guryo ka agdhawaa goobta duqeynta ku dhacday, sida masuuliyiinta ay sheegeen.
Werarka ayaa ka dhacay deegaanka Mir Ali, halkaasi oo 35 km u jirta bariga Marinshah, , waxaana ku xoogan ciidamada Taalibaan ee dhanka xuduuda ka dagaalama.
Masuul sare oo dhanka amaanka ah kuna sugan deegaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay u malaynayaan kuwo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Taalibaan.
“bartilmaameydka diyaaradaa wuxuu ahaa ciidamada mintidiinta daalibaan oo mooto watay, waxaana waxyeelo ay so gaadhay guryo badan oo ku yaala goobta”sidaasi waxaa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan dhanka amaanka.
Masuul kale oo dhanka amaanka ah oo ku sugan gobolka Miranshah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen kuwo Turkmenistan ah.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com