Maxaa laga baran karaa Jully to Jully lix sanadood ka dib iyo Golaha Wada-tashiga Qaran ee 2013 +Taageeradii Qaran ee 2007?.
Golaha aan Sharciyadda waafaqsanayn ee Bad-baaddada Qaranku ma mudan doonaan wixii Qaran..? Warbixin 2-aad & Gorfeynta Gobanimonews
Maxamed Kaahin iyo Mudaharaadkii 12 September: Madaxweyne Rayaaale waxaanu leenahay xaq bay u leeyihiin Qaran inay tartanada siyaasiga ah ka qayb-qaataan. Waxaan si toliimo leh..”
Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan todoba qof ayaa Xabsiga loo taxaabay 12 Bishii September, markii Qarantii aan la xidh-xidhan iyo Xisbiga kulmiye oo is-gaashaan buuraysanayay ka mudaharaadeen Xadhigii maxamed Xaashi Cilmi , Maxamed Cabdi Gaboose iyo Jamaal Caydiid, waxaana goob-joogayaashii Maalintaasi sheegeen in dadkii Mudaharaadayay xoog ku jiidheen Bilayska, iyadoo uu horkacayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Intii Banaan-baxaasi socday Masuuliyiintii ka hadlay Warbaahinta ee sida kulul u cambaareeyay, waxa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee dhawaan la magacaabay Maxamed Jaamac (Abgaal), kuwaasoo si qaawan u weeraray Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisa.
Maxamed Kaahin, oo hadalkiisa lagaga dhadhansanayay Yasid, ayaa sheegay in Daahir Rayaale ku tumanayo Sharciga iyo Xuquuqda Mawaadiniinta uu xidhay (Maxamed Xaashi iyo Gaboose), kuwaasoo markaasi furtay sidaan hore u soo sheegnay Urur siyaasadeed aan sharciga waddanku jidaynayn, kana duwanaa Gollaha dhawaanta lagu dhawaaqay ee ay Xukuumadda Siilaanyo xiligan gaashaanka ku dhufatay aasaaskiisa.
Afhayeenka Kulmiye xiligaasi, maantana ah Guddoomiye ku-xigeenka labaad Maxamed Kaahin Axmed hadalkiisii maalintaasi waxa ka mid ahaa “Horta runtii waa ayaan daro mudaba soo socotay, laakiin tan maanta lagu xidhiy Maxamed Xaashi Cilmi, Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Jamaal Caydiid, waa arrin hor leh iyo siyaasad hor leh iyo aragti cusub oo imaka mudooyinkanba Madaxweynuhu waday, oo ah talaabooyinkii ugu horeeyay ee lagu bur-burinayay Qarankan Somaliland. Sideedaba, markaynu taariikhda dib u milicsano, marka la eego dalweynihii Somaliya la odhan jiray ee aynu ka mid ahayn, markii Inqilaabku dhacay ee Maxamed Siyaad Bare iyo Ciidamadii uu hogaaminayay ay Inqilaabeen sharciyadii, distoorkii iyo qaranimadii Somaaliya, ee ay ku filaan wayday Ra’isal-wasaarihii markaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal baa ahaa, Golihiisii Wasiirada ee uu siyaasiyiintii caanka ahayd wada xidhay, ee intii kalana uu wada mastaafuriyay ee ay intaasi ku filaan wayday, waxa aynu aragnay oo talaabadii ku xigtay ay ahayd. Ganaraalkii Caynaanshe oo taliye ku-xeegeenadiisii ciidamada ahaa, Salaad Gabayle iyo Dheel ninkii la odhan jiray oo uu dilay.
Tani maanta waxay markhaati furaysaa Daahir Riyaale oo Taliyihii nabad-sugida ee Berbera ahaa waxaa ku filaan wayday adiga oo Taliyihii nabad-sugida ahaa ayaa lagu doortay, waxa ku filaan wayday adigii baa Madaxweyne ku-xigeen lagaaga dhigay, waxaa ku filaan wayday adigaa lagu doortay oo laguu doortay Madaxweynihii Somaliland, waxa ku filaan wayday dhaqaalihii dalku adiguu jeebkaaga ku hoydaa, oo gacantaada ku urursada oo guryo ku dhista, waxaa ku filaan wayday adiga oo Madaxweyne ah baad Baarlamaankii halkaa iska dhigtay iyo shuruucdoodii, waxa ku filaan wayday sharcigii saxaafada madaxa-banaan inuu ku shaqeeyo. Waxa ku filaan waayay Komishanka Qaranka Xisbiyadaad kala mid tahay.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, waxa weeye waxa uu madax ka yahay. Hal Gole, Golaha fulinta ah oo ka mid ah sadexda Gole, Markaa Madaxweynaha Daahir Rayaale waxaan kula talinayaa, maanta Somaliland waxa dhexyaala, wallaalnimo, nabad gelyo, tolnimo, dimuquraadiyad iyo Inaynu tartano. Ha inagu celinin sidii murugii Somaaliya ay ku baaba’day. Taladayduna waxay tahay, Madaxweyne adigoo sharciyada eegaya, ummada ku dooratay eegaya, sidii codka laguu siiyay eegaya, distoorku xaqa uu ku siiyay eegaya. Dib uga noqo inaad muwaadin kale xaqiisa ku takrifasho. Arrinka Guurtida halka uu maraayo ayaynu ognahay, arrinka Qaran halka uu marayo ayaynu ognahay. Ka noqo,
UDUB waa koox siyaasiya oo damacle, Kulmiye waa koox damacle, UCID waa koox damacle, markaa maxaanu qoladayadan Asxaabtu u diidaynaa cid kaloo damaclihi inay dalka ka soo baxdo, waxaanu leenahay xaq bay u leeyihiin Qaran inay tartanada siyaasiga ah ka qayb-qaataan. Waxaan si toliimo leh, si saaxiibtinimo leh, si wadaninimo leh, kuula talinayaa. Adigana masiibo kulama soo darsin, Qarankana masiibo lama soo darsine, madaxdaad ku takrifashayna, maamuuskooda dib uga noqo, Qarankana dhibaato aan ina haysanin hay’noo horseedin, siyaasadeenuna ha ku salaysnaato, sidaynu doorashooyinkii ku soo galay, sidaynu shir beeleedyadii ku soo marnay, sidaynu wada tashiyadii ku soo marnay. Meel aan dhibi jirin yayanaan dhib ka raadinin, Illaahayna ha ku garan-siiyo.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Maalintaasi oo ahayd mid Taariikhda ku suntan oo aan la Ilaawi Karin, siyaasadduna ka xamaasad iyo xaasaasiyad badnayd xiligan, xubnihii kale ee ka hadlay Mudaharaadka waxa ka mid ahaa Wasiir Maxamed Abgaal iyo xubno ka mid ah Siyaasiyiintii Ururkii Qaran , kuwaasoo iyaguna si kulul u weeraray Xukuumaddii Rayaale.
Sidaasoo ay Kulmiye yidhaahdeen, xukuumaddii Rayaale lafteedu way ka Jawaabtay Eedeymahan iyo Mudaharaadka dhacay, waxaanay ku tilmaantay sharci daro Kulmiye u qiil samaynayo, iyadoo uu Madaxweyne Rayaale Warbaahinta ka sheegay…
La soco qaybo dambe iyo qormadan.
Waxaanan Akhristayaasha ka codsanaynaa inay wixii aragti iyo fal celin ay ka samaynayaan sheekadan iyo Doodda Madaxweyne Siilaanyo hortimi lix sanadood ka dib isagoo madaxweyne ah, inay noogu soo hagaajiyaan Ciwaanada hoos ku qoran.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Curad1986@hotmail.com
Gobanimonews_02@live.com