Tuesday, July 16, 2013

Liverpool Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Diiday Dalabka Arsenal Ee Ku Wajahnaa Luis Suarez.


Agaasimaha kooxda Liverpool Ian Ayre ayaa xaqiijiyay in kooxda ay diiday dalab ka yimid Arsenal oo ku aadan Luis Suarez, isagoo sheegay inay doonayaan in xiddiga reer Uruguay ay ku sii hayaan Anfield.




“Waxaan dalab aan la qarinin ka helnay Arsenal. Waan iska diidnay dalabkaas. Dhankeena waxaa sugeynaa inuu Suarez ku soo laabto tababarka ka dibna halkaas ayaan ka sii ambaqaadeynaa” ayuu Ayre u sheegay Bloomberg.




“Waxaan maqlay isagoo dhahaya inay fiicnaan laheyd in fursad loo siiyo inuu u ciyaaro Arsenal ama Real Madrid. Laakiin waa hubaal ima uusan soo wicin imana dhihin waxaan doonayaa inaan baxo.




“Waxaan dalabyo u helnaa ciyaartoy badan waqtiyo kala duwan. Ilaa iyo xaalada ay tahay inuusan ciyaaryahanka gabi ahaanba rabin inuu halkaan joogo ama aan anaga rabin inuu joogo markaas waa xaalad ka duwan sida haatan.




“Waqtigaan la joogo waxaan jeclaan laheyn inaan aragno Luis oo gashanaya maaliyadiisa Liverpool ee xilli ciyaareedkan iyo wixii ka danbeeya, waxaana rajeyneynaa marka uu soo laabto in wax walba ay saldhigan doonaan.”




Liverpool ayaa isbuucii hore la sheegay in laga soo diiday dalab 30 milyan ginni ah, waxaana ay dalab labaad kula laabteen 35 milyan ginni iyagoo saxiixa Suarez kula tartamaya Real Madrid oo aan weli dalab rasmi ah ka gudbinin ciyaaryahanka.