Hargeisa(GNA)- Shir, ayaa Somaliland iyo Somaliya uga furmaya Waddanka Turkiga, Maalinta Axadda ee todobaadka dambe, kaasoo lagu sii ambo-qaadayo wadahadaladii u dhexeeyay labada dhinac hore uga soo qabsoomay London, ANCHOR iyo Dubai.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo nuxurka waxyaabaha shirkaasi lagaga wada hadlayo, hase ahaatee waxa la sheegay in labada dhinacba ay soo gaadheen Marti-qaadkii dawlada Turkigu ku casuuntay, sidaasi darteed maalmaha soo socda ay Wufuuda kala metelaysaa u amba-bixi doonaan Dalka Turkiga.
Shirka ayaa socon doona mudo Lix Maalmood ah sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dawlada Somaliland, waxaana lagu waramayaa inuu shirkani yahay mid aad u xaasaasiya oo ay dhinacyadu hoos ugu daadegi doonaan arimaha ka dhexeeya, sida xidhiidhka labada dale e Mustaqbalka, arimaha Gooni-isutaaga Somaliland iyo qodobo kale oo aan shirarkii hore layskula soo qaadin.
Wefti ka kooban Lix xubnood oo isugu jira Wasiirro, xubno ka mid ah Shir-Gudoonka labada aqal ee Barlamanka Somaliland iyo xildhibaan ka tirsan Guddida arrimaha dibada ee Golaha wakiillada, ayaa la sheegay inay beri ka amba baxayaan Magaalada Hargeysa, kuwaasoo dhinaca Somaliland furitaanka shirka u meteli doona, halka sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen Ilo xogogaal ahi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo Maalinta Arbacadda e isla todobaadka shirku furmayo u ambabaxayo Madasha lagu kulmayo.
Xubnaha Somaliland ee Berri Amba-baxaya ayaa kala ah Wasiiradda Ganacsiga Maxamed C/laahi Cumar, Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad, halka Baarlamaankana ay ka tagi doonaan Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibeda Golaha Wakiiladda Xuseen iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac.
Dhinaca Asxaabta mucaaridka ah ee Somaliland oo ka qayb-gashay shirka kii ka horeeyay , ayaa la sheegay inaanay ka mid noqon doonin Ergada dhinaca Somaliland ee doorkan wada-hadalada ka qayb-gelaya, waxaana Ilo –wareedyo diblomaasiyadeed oo Gobanimonews heshay tibaaxayaan in sababta looga reebay ay tahay arrimaha shirkan lagaga wada hadlayo oo xaasaasiya, lagana yaabo in heshiisyo ay kala saxeexdaan dhinacyadu, sidaasi darteedna doorkii ay lahaayeen lagu buuxiyay Xubno ka socda hay’ada sharci dejinta ee dalka.
Lama shaacin dhinaca somaliya xubnaha uga qayb shirka, hase ahaatee ilo-wareedyo aanu ka helnay dawlada ayaa sheegaya inay Maalmaha soo socda Muqdisho ka dhoofi doonaan wefti dawlada ka socda oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano Baarlamanka ka mid ah iyo xubno kale oo Muhiim ah, kuwaasoo uu Hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha somaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed (Fiqi).
Somaliland iyo somaliya ayaa hore shirar ku saabsan mawduucyo kala duwan, nuxurkooduse ku soo uruurayo xidhiidhka ay mustaqbalka wada yeelanayaan Dawlada federaalka oo siyaasiyan Somaliland gooni-isutaageeda ka soo horjeeda iyo Jamhuuriyada Somaliland oo Madaxbanaani rasmiya doonaysa.
Shirarka hore lagu soo qaadin amase si toos ah loogama wada hadlin arinta qadaydaha labada dhan, waxaase si kor ka xaadis ah loogaga hadlay inay labada dhan isku ixtiraamaan Ahdaafta siyaasadeed ee ay kala wataan.
Dhanka somalilabd Bulshada rayidka ah iyo dadka ku foogan arrimaha siyaasaduba waxay doonayaan in mar uun Haantafurka laga furo oo ay labada dawladood oo dhexdhexaadiyayaal weheliyaan ka wada hadlaan qadiyada dalkooda ee 23 jirsaday, halka dhinaca somaliya kooxaha ks oo horjeeda go’itaanka Somaliland mar walba dawlada culays ku saarayaan inaanay aqoonsan madaxbanaanida Somaliland.
Labadan qadiyadood ayaa ah kuwo aad u kala durugsan, mar walba caqabad ku ah waxay labada metelayaal ee dawladuhu isku waafaqaan amase is-tusaan.
Waxaase daruuriya in hadii labada geesood Garnaqsi gelayaan Beesha Caalamku goob-joog ka noqoto, isuna dhegaysato dhinacyada qadiyadani Khusayso oo qolo waliba ku Goodiyayso inay aragtideeda fushato.
Gobanimonews
Hargeysa Office