Muqdisho 05.07.2013 (GNA)-Dawladda Somaliya iyo Kenya ayaa in Khilaaf soo kala dhexgalay, ka dib dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Goboladda Jibboyinka somaliya.
Khilaafkan ayaa la sheegay inuu yimi ka dib markii Warbaahinta lagu baahiyay Warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda somaliya oo dawladda Federaalku ku ashkataynayso inay lug ku leeyihiin Xiisada ka aloosan Goboladda Jubboyinka.
Wasaaradda arrimaha dibadda somaliya ayaa Ciidamadda Kenya ku eedeysay dagaalkii dhawaan ka dhacaymagaaladda Kismaayo, kaasoo ay ku dhinteen 65 ruux, kuna dhaawacmeen illaa iyo 155 ruux.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay labada dawladood oo ku saabsan arintan, balse wararku waxay sheegayaan inay Kenya aad uga cadhootay Qoraalka warqadaasi ku qoran oo lagu xusay inaanay dhex ka ahaynhawl-galka Nabadeynta somaliya.
Iyadoo labadii sanadood ee u dambeeyayba ilo diblo maasiyadeed oo soo baxayay tibaaxayeen in Kenya damac kaga jiro qayb ka mid ah Dhulka somaliya, lana aaminsanyahay inay doonayso Goboladda Jubboyinka in laga sameeyo maamul Goboleed ay xukumayaan siyaasiyiin gacan saar la leh dalkaasi, ayaa iminka waxa sida ku cad qoraalkan dawlada somaliya si toosa uga biyo diidsantahay hawl-galkan Ciidamada Kenya.
Warqada ka baxday xafiiska Wasiirka arrimaha dibada somaliya ayaa la sheegay in si Khaldan loogu diray Nin Wariye ah oo ujeedo aan cadayn lagu raaciyay Email-da dadkii ay khusaysay ee loo kala diray.
Labada dawladood ayaa Bil ka hor kala saxeexday Heshiis wada shaqayneed iyo inay dhisaan Guddi farsamo oo ka shaqaysa sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka labada dal, heshiiskaasi waxa wada gaadhay Wasiiradda arrimaha dibada ee labada waddan, maalmo ka hor kulan dhex maray madaxweyneyaasha labada dawladood.
Hase ahaatee Heshiiskaasi ka sekow dawlada somaliya ayaa u muuqata inay difaac adag oo diblomaasiyadeed kaga jirto danaha Nairobi ka leedahay Hawl-galkeeda somaliya, danahaasoo lagu tilmaamo damac kaga jira qayb ka mid ah Dhul-biyoodka somaliya oo ay doonayso inay la wareegto, taasoo Heshiis dawladii shariif kala gashay Xukuumadda xasan Sheikh baabi’isay, isla markaana ku tilmaantay waxaan suurto gal ahayn.
Si kastaba ha ahaatee dawlada somaliya ayaa dhawaan codsatay in ciidamada Kenya laga saaro goboladda jubooyinka, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu dalbatay in guddi baadhitaan loo diro dagaalkii Kismaayo ee todobaadkii hore.
Gobanimonews
Muqdisho Office