Friday, July 5, 2013

Maraykanka iyo Ingiriiska oo si taxadarleh uga jawaabay Inqilaabkii Militariga Masar.


(GNA) Wadamada reer Galbeedka ayaa si taxadarleh uga jawaabay Inqilaabka Militariga Masar ku dhaqaaqay.
Wadanka Maraykanka oo ah kan dhaqaalaha ugu badan ugu deeqa ciidamada Militariga Masar, ayaa hadal taxadarleh soo jeediyey.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lagu sheegay in Obama uu ka walaacsan yahay go’aanka ay Militariga qaateen ee ah in Dastuurkii ay laaleen, qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay dib u eegis ku sameyn doonto dhaqaalaha ay ugu deeqdo dalka Masar oo gaaraya 2 Bilyan oo dollar.
Baaq kasoo baxay Maraykanka ayaa loogu baaqay Militariga inaysan xirin Madaxweynihii Maxamed Morsi iyo taageerayaashiisa, balse Maraykanka kumuusan tilmaamin go’aanka Militariga mid ah Afgambi ama Inqilaab, taasi oo muujineysa in Maraykanka uusan dooneyn inuu xiligan la safto Maxamed Morsi oo ay si weyn ugu kala fogaayeen dhanka siyaasada.