Friday, July 12, 2013

Somaliland: Digniinta Madaxweyne Siilaanyo, Debecsanaanta Waran-cadde iyo Doodda Aasaaska G. Tashi Qaran


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirkiisa arrimaha Gudaha Dr. Cali Maxamed waran-cadde, ayaa aragtiyo kala duwan iyo dareen celin farqi wayni u dhexeeyo kaga falceliyay Golaha Wadatashiga iyo Bad-baadada Qaranka ee dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay.




Madaxweyne Siilaanyo oo shalay ka hadlayay Munaasibad lagu furay Ideecad Diiniya oo Wasaaradda Warfaafinta lagu soo kordhiyay, ayaa si kulul oo cadho badani ka muuqato uga jawaabay Gollahaasi, waxaanu ku dooday inaanay xukuumad ahaan aqalayn cid kasta oo aragti sharci daro ah dalka ku soo kordhisa.




“Bishani waa bil barakaysan. Waa bil cibaado oo iyadoo ay mar walba cibaadadu waajib tahay, hadana bishani waa mid gaar ah oo had iyo jeer culimadu inoo sheegto in aynu ka dheeraano xanta, xasadka iyo waxkasta oo Ilaahay (SWT) innaga reebay.”




Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi“Suurtogal maaha in dadka qaarkood ay caadaystaan inay maalin walba la taagnaadaan cay, aflagaado, been abuur sharci-darro ah, iyadoo xataa lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta. Maalmahanba waxa aynu saxaafadda kala soconay hadalo naxli xambaarsan oo ragga qaarkood ka soo baxayey, hadaladaasi waxay isugu jireen kuwo loogu tallogalay in toos loogu dhaawaco deganaanshaha iyo xasiloonida dalka iyo kuwo shaqsi cay iyo xiqdi ah oo loo badheedhay.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.




“Dabcan, annagu masuuliyad culus baanu haynaa, waana lagama maarmaan in aannu u dulqaadano dhalliilaha, hasayeeshee, waxa aan shacbiga u sheegayaa in aanan cidna ka aqbalayn in sharciga dalka lagu tunto,”ayuu yidhi Md. Siilaanyo, isagoo intaas ku daray inaanay marnaba aqabali doonin in qawaaniinta dalka la baal maro.




Inkasta oo madaxweyne Siilaanyo hadalkan ku jeediyay, hadana wasiirkiisii arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde  oo isna shalay hadlay, ayaa si ka qabow qaabka madaxweynaha oo diblo-maasiyadi ka muuqato, ula hadlay waayeelka siyaasadeed ee ku bahoobay Golaha Shuuradda iyo Badbaadinta Qaranka ee iskood isu magacaabay.




Cali Waran-cadde, wuxuu tilmaamay inay xukuumadu soo dhaweynayso cid kasta oo si maslaxad iyo walaaltinimo ku jirto wax ula dhisaysa, laakiinse wuxuu ku adkaystay inaanu jirin sharci banaynaya abaabul siyaasadeed oo ka baxsan Asxaabta  Qaranka iyo Golayaal aan ahayn kuwa shacbigu soo doortay oo meteli kara umadda, isla markaana fagaarayaasha ka baani karaa “Qarankani mar walba wuxuu soo dhaweynayaa Mawaadin kasto oo talo iyo wax tar ula yimaada , laakiinse ma jiro sharci banaynaya Golle aan sharci ahayn oo dadka meteli karaa, waxaanan u aragnaa arin abuuraysa fawdo iyo nabad-gelyo daro, wasaaraddanina waxay u xilsaarantahay waa ilaalinta maslaxadda gudaha iyo amniga dalka”.ayuu yidhi Waran-cadde.




Ma jiro war ka soo baxay Gollaha Odayaasha ismagacaabay ee lagaga dhawaaqay Hargeysa, balse waxa muuqata in aasaaska Gollahana ay sameeyeen dood badan oo sharci iyo mid siyaasadeedba ka dhalatay.




Qodobka 23-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa si buuxda u damaanad qaadaya abaabulka Kooxaha siyaasadda iyo Ururadda Bulshada rayidka ah ee ay dadku ku horumarinayaan danahooda caamka ah, laakiinse xukuumadda iyo Taageerayaasheedu waxay u arkaan kooxda Xisbi siyaasadeed oo dalaalayad sharci daro ah u soo huwanaya.




Balse marka laga tago dooddada xukuumadda waxa lagu tilmaami karaa kooxdan Mutadawiciin siyaasadeed (Political Volunteer Group) oo u soo banbaxay inay Xaska iyo xumaatida ka xaadhaan siyaasada waddanka, iyagoo metelaya sida Ururadda kale ee aan dawliga ahayn ee  ka shaqeeya horumarinta adeegyada dadweynaha, sida SONSEF oo kale.
si kastaba ha ahaatee wali dadka arimaha sharciga ku xeel-dheeri kamay hadlin aasaaska Golaha  Waayeelka siyaasadda oo dadka qaar ay tilmaamayaan inay ku bahoobeen siyaasiyiintii ka gaboobay siyaasadda oo samaystay Daladda ay ku nastaan ama meel ay gabood uga dhigaan talo soo jeedintooda.




Inkasta oo raga Gollahan hogaaminaya qaarkood sidii dalka loo soo galay aanay Shaarubaha gelin Golayaasha fulinta iyo Sharci dejinta midna, sida Col. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen Dhego-weyne oo isagu sidii SNM waddanka u qabsatay ee looga wareejiyay talada aan wax xil ah ka qaban xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email:editor@gobanimonews.com