Friday, July 12, 2013

Muqdisho: Qarax Ismiidaamin ah oo Dhimasho iyo Dhaawac geystay iyo Wariye Macalimu oo waxyeelo ka soo gaadhay






Muqdisho(GNA)-Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay, toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa  ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdiho, gaar ahaan meel u dhaxaysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.




Qaraxan ayaa ka dhashay Gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, oo lala beegsaday kolanyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM, kuwaasoo iyagoo soconaya Gaadhigaasi dhex u galay, ka dibna ku dhuftay mid ka mid ah,
Dadka dhaawacmay  waxaa ku jira Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, iyadoo dhaawiciisa uu yahay mid fudud, lana geeyay Cisbitaalka.




Wariye Macalimuu oo Warbaahintu la xidhiidhay , isagoo ku sugan Isbitaal Madiina ayaa sheegay in dhaawiciisa uu garabka yahay, isla markaana gaari uu watay uu bur bur soo gaaray, isla markaana xaaladiisa ay wanaagsan tahay hada .




Goobta qaraxa ka dhacay oo u dhaxeysa Sartii Maslax iyo Xaruntii UNDP ayaa halkaas waxaa ku sugan ciidamada dowladda, iyadoo gawaarida loo diidan yahay.




Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo la xidhiidha  qaraxan ismiidaaminta ah oo noqonayaa kii u horeeyay oo bishan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho.
Gobanimonews




Muqdisho Office