Friday, July 12, 2013

C/rashiid Dahabshiil: Dahabshiil wax saamayn ah kuma yeelanayo Go’aanka Barclays,Sharcibaanan u haysanaa adeega aanu qabano”







London(GNA)Baanka Barclays, ayaa xidhay Buug-xisaabeedyadii uga furnaa ilaa 100 Xawaaladood iyo Shirkaddo ganacsi  oo u badan kuwa ay somalidu lacagaha ka soo diraan, taasoo lagu tilmaamay caqabad aad u culus oo soo waajahday Bulshada somalida ee waddankaasi Eheladooda uga soo diri jiray lacagaha.




 


Talaabada Barclays qaaday oo ay Khubaradda Dhaqaalaha iyo Nidaamka Lacagaha aduunku ku sababaynayaan inay ku timi cabsi uu banigaasi ka qabo in lagu Ganaaxo lacago sharci daro ah oo la dhigto, waxa ka badbaaday Shirkadda Dahabshiil oo ah Xawaalada ugu weyn ee Somalidu Isticmaasho.





Dahabshiil, ayaa hore wada xaajood dhakhso ah ula furtay Baankaasi, markii uu go’aankan qaatay, waxaana loogu daray mudo bil ah, wallow uu shalay si rasmiya u shaaciyay inuu xidhay Acount-yada shirkadahaasi.




Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdi-rashiid Maxamuud Ducaale, ayaa  sheegay inaanu baanku wali xanibin Buug-xisaabeed-kii ay kula macaamili jireen, wada-hadalo ay u socdaa  Baankaasi iyo kuwa kaleba  si u  wada shaqeeyaan.




Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa sidoo kale cadeeyay inaan go’aankan Barclays wax saamayn ah ku yeelanayn adeegyada ay macaamiishooda iyo bulshada somalidaba u hayaan ee lacag dirista, taasoo uu ku sababeeyay sharciyada iyo aqoonsiga ay ka haystaan Waddanka Ingiriiska iyo xidhidhyo kale oo ay la sameeyeen Bangiyo kale oo ku yaala dalka Uk.




“horta waa Illaahay Mahadii Acount-yada maanta Maanta Banka Barclays uu xidhay inaan Dahab-shiil ku jirin, waa war farxad leh oo aanu doonayno Macaamiishayada iyo bulshada somalida oo dhan inaanu la wadaagno, Bangigan dahabshiil 15 sanadood ayuu Isticmaalayay, waxaanan rajeynaynaa inaanu waligay isticmaalno, bangiyo kale iyo iyagana wada hadalbaa noo socda, Khayr weynbaanan rajeynaynaa.”ayuu u sheegay BBC-da.




Maamulaha Dahabshiil waxa kale oo uu sheegay “Barclays Bank wuxuu ka mid yahay Bangiyada waddanka Ingiriiska ku yaala, dhawr kun oo Bangi ayaa dalka ingiriiska ku yaala, markaa hortaa hal bangi ayaa go’aankan qaatay, go’aankan uu qaatay oo ah ilaa 25 Shiradood oo aduunka oo dhan laga leeyahay, sida lagu qiyaasay, inkasta oo 100 shirkadood oo qudha maanta xidhay, shirkaddo hore oo somalidu leedahayna horaa loo xidhay, waxay la xidhiidhsantahay sida lala socdo caalamka lacag dirista waxyaabo badanbaa laga wer-weraa, lacagta sida sharci darada ah dadku ay ku sameeyaanbaa lagaga wer-weraa, Shirkado waaweyn oo Bangiyo ah oo ay reer Galbeedku leeyihiin waa la ganaaxay, markaa waxay ka baqayaan in lacago khaldan shirkaddaha qaar dhex mariyaan oo hadhow iyaga la ganaaxo”.




Markaa annagu hadaanu Dahabshiil nahay qaab-baanu leenahay aanu iskaga ilaalino lacagaha sharci darada ah, Wakiiladayada waanu tababarnay,Qalab badanbaanu Iibsanay, dad garyaqaano ah oo shirkadda u shaqeeya ayaa jira oo Somali iyo ajaaniba leh, markaa bangiga waxyaabaha aanu Baanka ka wada hadalnay waxa weeyaan waar hadii waxyaalo aynu ka wada shaqaynaa jiraan noo sheega, waanay naga aqbaleen, account-kiina may xidhin oo wuu furanyahay, bangiyo kalena wada hadalbaa noo socda”




Geesta kale Cabdirashiid Dahabshiil wuxuu hoosta ka xariiqay in adeegooda shaqo marna aanu istaagayn, hadii Barclays xidhiidhkooda joojiyo iyo hadii  kaleba.




“bangigan 15 sanadood baanu isnaqaanay, 15 sanadood si joogto ah ayay noogu iman jireen,iminkana wada hadalbaa noo socda, bangiyo kalena wada hadalbaa noo socda,markaa annagu Mar walba shaqada aanu macaamiishayada u hayno wax iska bedelayaana ma jiraan, waxaanan rajeynayaa inay wada hadaladaasi meel fiican ku dhamaadaan oo aanu hawsha halkaa ka wadno, annagu umadda somaliyeed meel ay joogaanba waanu u shaqaynaynaa Gobol walba somalida waanu uga shaqaynaa”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “ lacagta la dhigto Dahabshiil-na waa lagu noolyahay, dawlada Ingiriiskuna horey ugu balanqaaday inay dalkii somaliya dib u dhisayso,  annaguna Liisaanbaanu haysanaa, sharcibaanu dalka ku joognaa ,lacagta dadku dirayaana dib u dhiskaa dalka ayay qayb ka tahay.”




Bangiyo ku yaala Waddanka Maraykanka ayaa hore xidhiidhka ugu jaray Xawaaladaha somalida ee lacagaha dhigta, kuwaasoo ay uga shakiyeen in Lacagaha loo mariyo Ururka Xag-jirka ah ee Al-shabaab, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay tiro ka mid ah Dadka Somalida ah ee gudaha ku nool oo badankoodu Dhaqaalaha ay ku noolyihiin looga soo diro waddamada Dibada, siiba Yurub iyo Maraykanka.




 Bad-baadada Dahabshiil ka bad-baaday Go’aanka baanka Ingiriiska ayaa suurto gelinaysa in dadka somalida ahi wali fursad u helaan inay Eheladooda u soo diraan Biilashada, isla markaana sii wataan taageeradii ay u fidin jireen dadkooda gudaha wadanka ku sugan.




Gobanimonews




Hargeysa Office