Wednesday, July 17, 2013

Somaliland: Bilayska oo hawl-gal Sharci Dao ah Baadhay Guryo ay degenyihiin Macalimiinta Jaamacadda ADMAS


Hargeysa(GNA) – Ciidamo Bileyska Somaliland  ka tirsan ayaa shalay subax xoog ku galay guryaha ay degan yihiin macalimiinta Ajaanibka ah ee Jaamacada Admas ee ka furan magaalada Hargeysa, iyadoo ay galalafeen guryahaaasi oo xilligaasi ay macalimiintu ka maqnaayeen, iyagoo baadhisna ku sameeyay alaabtii macalimiinta ajaanibka guryahaasi u dhex yaalay,sidaasi waxa laga soo xigtay Masuul ka tirsan Jaamacadaasi.




Ciidankan jabsaday guryaha macalimiinta Jaamacada Admas oo ahaa qaybta Bileyska ee bariga Hargeysa oo uu hogaaminayey taliyaha saldhiga New Hargeysa ayaa la sheegay inay qaateen agab dhex yaalay guryahaasi.




 Mr Cadnaan oo ka mid ah mulkiilayaasha Jaamacadaasi oo xalay Wargeyska Haatuf hawl-galkan wax ka waydiiyay ayaa sheegay “Saaka (shalay) markay saacadu ahayd 9:30kii subaxnimo anigoo hurda ayaa waxaa dhacday guryaha macalimiinta jaamacadu galaan waa afar guri kayguna shan buu ku yahay, ciidan Bilays ah oo afartameeyo aan ku qiyaasay ayaa guryihii oo laga maqnaa xog ku wada galay, dabeeto markay guryihii wada jabiyeen ee waashmaanadii iyo ciidankii Bilayska ee ilaalada ahaaba ay xoog ku soo dhaafeen ayay baadheen guryihii, iyadoo alaabtii macalimiintuna wada taalo. Dabeeto anigoo hurda ayay gurigaygiina laad ku dhufteen, xaaskaygiina dibada usoo bax ayayku yidhaahdeen, dabeeto gurigaygiina waa la baadhay, wax qoraala oo ay wateena may jirin, shaqaalihina way wada argagaxeen”.ayuu yidhi.




Mr Cadnaan isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Waxaanu xafiiskiisa ugu tagnay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cade, dabeeto waxaanu ku nidhi nidaam dawliya oo sidan dhigayaa ma jiraa, haddii wax jiraan in si sharciya naloo baadho ayay ahayde waa maxay arrintan dhacday, dabeeto taliyihii ciidanka Bilayska Cabdillaahi Fadal baa lala hadlay, halkii aanu filaynay in sharci daradaasi lanaga qanciyo ayuun buu Taliyaha Bilaysku Yidhi markii lala hadlay, nin shariifa $500,000 kun oo dollar ka soo dhacay Wajaale ayaa meelahaa laga raadinayay, xaafadaha kale ee jaarka nala ah cid la baadhay ma jirto. Qodobka kale ee mucjisada ahaana waxa uu ahaa Bilayska falkaasi nagula kacay may ahayn Bilayskii qaybta galbeed, qaybta galbeed baanu anagu ka tirsanahay, ciidanka Bilayska qaybta galbeedna hal askari oo kaga jiray muu jirin, ciidanka na soo hujiimay qaybta Bilayska bariga ayay ahaayeen, taliyaha saldhiga New Hargeysa ayaa noo yimid, xitaa Bilayskii ilaalinayay guryaha ayaa xoog lagu jiidhay, saldhiga Bilayska Koodbuur xitaa waa laga soo dul talaabsaday, anagu arrintaasi waanu fahmi laanahay ujeedo laga leeyahayna maanu garan, shaqaale iyo macalimin ajaaniba ayaa argagixiso lagu riday, macalimintiina alaabo badan ayaa ka maqan, waxay gacanta marin karayeena way mariyeen, wasiirkiina waanu u sheegnay waxaanu nagu yidhi falkaasi waanu baadhaynaa.”




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka Bilayska Somaliland oo arintan la xidhiidha, balse Jaamacadda ADMAS ayaa ka mid ah Jaamacadaha laga leeyahay Waddanka Itoobiya ee faraca ku leh Somaliland.




Waxaanay ku joogtaa waddanka Ogolaanshiyo dawlada Somaliland siisay oo Ilaalinaya Xuquuqda Mawaadiniinta iyo Ajaanibka ka hawl-gala, iyadoo talaabadanina noqonayso tii ugu horaysay ee lagu hujuumo goobaha noocan oo kale ah ee saamaynta diblomaasiyadeed ku yeelanaya xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo wadamada kale ee Caalamka ee Xafiisyada iyo danaha ku leh dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office