Wednesday, July 17, 2013

Milkiilayaasha Beeraha Qaadka ee Kenya oo walaac weyn ka muujiyay mamnuucida qaadka ee Ingiriiska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin


(GNA) Milkiilayaasha beeraha qaadka ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay walaac weyn ka muujiyeen ka mamnuucida qaadka ee dalkaas Ingiriiska iyaga oo codsi u direy dowlada dalka Ingiriiska.




Beeraleyda qaadka ee dalkaas Kenya ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday wel wel iyo walaac ku saabsan mamnuucista uu dalkaas Ingiriiisku ku dhawaaqay inuu dalkiisa dhawaantaan ka joojin doono gebi ahaantiisba qaadka arintaas oo ay sheegeen inay u keeni doonto dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan ku dhacdo dadka deegaanka ay beerahaas ku yaalaan, Jeff Kubai oo ka mid ah miilkiilayaasha beeraha qaadka ayaa waxaa uu sheegay in aanu qaadka wax dhibaato ah aanu lahayn asaga oo sheegay inuu ka mid yahay waxyaabaha dhaqanka ah ee ay cunaan dagaalyahanada, odayaasha dhaqanka marka ay go’aan iyo shir xassaasi ah ay leeyihiin isagoo  ku sheegay shaqsi ahaan inuu qamrigu ka xun yahay qaadka kana dhibaato iyo waxyeelo badan yahay. Cumar Axmed oo ka mid ah ganacsatada qaadka ee deegaanadaas ayaa waxaa uu sheegay inay mamnuucidaas ay keeni karto in dhaqaale baaxad weyn ay lumiyaan ganacsatada iyo milkiilayaasha qaadku asaga oo ka codsaday dowlada Ingiriisku inay ka noqoto go’aankaa




Ugu dambenyntiina iyadoo dowlada ingiriisku ay dhawaantaan ay ku dhawaaqday inay dalkeed ay ka mamnuucayso qaadka ayaa waxaa arintaas sidoo kale hanjabaad ka soo saaray xildhibaan lagu magacaabo Kubai Kiringo oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto degaanada ay ku yaalaan beeraha qaadka asaga oo sheegay inay dowlada Kenya ka fiirsan doonto xidhiidhka kala dhexeeya dalka Ingiriiska hadii aanay ka noqon go’aanka ay dalkeed kaga mamanuucayso qaadka, Dowlada Ingiriiska oo ciidamadeedu ay ku leeyihiin xarumo tababar milatari ah deegaanada qaadka ayuu xildhibaankaas ku tilmaamay in aney dadkaasi jeclaan doonin inay arkaan dadkii mamnuucay badeecadooda oo ku riday dhaqaalo xumida oo ku tababaranaayo deegaanadooda, qaadka loo dhoofiya dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay ka soo gasho deegaanadaas ilaa iyo 7.5 malyuun oo doolar sanadkiiba taas oo ah dhaqaale aad iyo aad u fara badan.








 




Gobanimonews.com