(GNA)Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay iska horimaadyo dhex maray Booliska iyo taageerayaasha Maxadweynihii hore ee xilka laga qaaday ee Maxamed Morsi.
Boliiska ayaa sunta dadka kaga ilmaysiiso u adeegsaday taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday oo xidhay waddo muhiim ah oo ku taalla Qaahira
Boqoalaal kun oo ka mid ah taageerayaasha Maxamad Mursi ayaa badhtamaha Qaahira isugu soo baxay, iyaga oo ku baaqaya in Mursi xukunka dib loogu soo celiyo.
Isku dhacyadan ayaa imaanaya wax yar kaddib markii sarakaal sare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka ugu baaqay xoogagga ammaanka in aanay adeegsan awood dheeri ah.
Mar uu hadlayey kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyayaasha xukuumadda cusub ayaa William Burns waxa uu sheegay in Masar la siiyey fursad labaad kaddib markii militerigu xukunka ka tuuray Maxamad Morsi.
Waxa uu sheegay in haatan ay jirto fursad lagu sixi karo khaladaadkii dhacay labadii sano ee ugu dambeeyey.
Maraykanka ayaa horey ugu baaqay in la sii daayo madaxweynaha xilka laga qaaday ee Maxamad Morsi, hasa ahaatee, Burns ma ka hadlin arrintaas.
Dhanka kale taageerayaasha Ikhwaanu Muslimiinta ayaa waxa ay ilaa haatan wadaan mudaaharaadyo ay kaga horjeedaan Booliska dalkasi Masar iyadoo Milatariga Masar ay qorsheynayaan inay wada hadalo la galaan Ikhwaanu Muslimiinta.
Gobanimonews.com