Thursday, July 25, 2013

Somalia: Wasiirka Khaarajiga oo Baarlamanku Su’aalo Waydiinayo






Muqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta looga yeedhay Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uu ku ansixiyay heshiiskii Continou Agreement ku yeeshay magaalada Muqdisho.





Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa mooshin ay ku dalbanayeen Wasiirka u gudbiyay gudoonka baarlamaanka, iyadoo lagu wargeliyay in maalinta Axada uu hor yimaado Baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrimaha amni daro ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada mooshinka u gudbiyay gudoonka baarlamaanka ayaa sheegay in Wasiirka looga baahan yahay in baarlamaanka horyimaado, si su'aalo looga weydiiyo falalka amni daro ee ka jira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose oo dhowaan shaqaaqooyin ay ka dhaceen.

xubno  ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha gudaha laga doonayo inuu ka jawaabo su'aalo la xidhiidha dagaal beeleedyo dhawaan ka dhacay Shabellaha Hoose oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada dawladda Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa sheegay in mooshinka ay u soo gudbiyeen ilaa 15-xildhibaano si Wasiirka Arrimaha gudaha ilaa lix su'aalo looga weydiiyo arrimaha gudaha.

"Waxaa ka codsanayaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka in maalinta Axada uu ku horyimaado Baarlamaanka, si su'aalo looga weydiiyo amni darada ay soo gudbiyeen mudanayaasha inay ka jirto Muqdisho iyo Shabellaha Hoose"ayuu yidhi Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Gobanimonews




Muqdisho Office