(GNA) Afhayeenka Al-Shabaab ee dhanka dagaalada, Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab oo ayaa u sheegay shabakadaha afka Shabaabka wax ku baahiya in Sarkaalkii ugu sareeyay Sirdoonka Maraykanka ee Bariga Afrika uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay weerar ismiidaamin ahaa oo shababku ka danbeeyeen kaas oo ka dhacay agagaarka UNPD.
Abu Muscab ayaa sheegay sarkaalka uu sheegayo in uu dhaawaca u geestay magaciisu ahaa Gary Schroen, kaas oo derejada uu hayay uu ku sheegay madaxii CIA ee Bariga Afrika.
“Mujaahidiintu xog rasmi ah ayeey ku hayaan in Gary Schroen uu dhaawac ugu dhintay labo maalmood ka hor, kadib markii uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay weerarkii ay Mujaahidiintu la beegsadeen”, Afhayeenka Al-Shabaab ee dhanka dagaalada, Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab ayaa sheegay.
Hadii uu sax noqdo hadalka Shabaabku ay soo saareen, Gary Schroen waxa uu noqonaya Sarkaalkii ugu darajada sareeyay Sirdoonka Maraykanka ee lagu dilo Dalka Soomaaliya.
Ma jirto cid kale oo xaqiijineysa geerida madaxii sirdoonka Mareykanka ee Bariga Afrika marka laga soo tago sheegashada Shabaabka ee ah in uu u geeriyooday dhaawac gaadhay 12-kii bishaan kadib weerarkii Ismiidaaminta ahaa.
12-kii bishaan July ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah Shabaabku ku qaadeen kolonya gaadiid AMISOM iyaga oo sheegtay in weerarkaasi ay ku laayeen kuna dhaawaceen saraakiil AMISOM iyo Mareykan isigu jirta.
Gobanimonews.com