Xoghaya Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac ayaa maanta mudo dhawr saac ah ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Booliska ee Boorama, kadib markii uu dagaal gacan ka hadal ah dhex maray isaga iyo Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal.
Inkasta oo saacado kooban ka dib la sii daayay xoghayaha ayaa hadana waxa suuqa Boorama gilgilay fadeexdaha ka dhashay gacan ka hadalka dhex maray madaxda ugu saraysa gobolka Awdal waqti uu Badhasaab Cabdoo Aayar ka maqan yahay Boorama isla markaana ay masuuliyiintani ahaayeen kuwa looga sii tagay hogaanka bulshada reer Awdal iyo u ariminta umada.
Ma jirto cid si cad u sheegaysa waxa sababay dagaalkan gacan ka hadalka ah ee dhex maray labadan masuul, balse waxa la sheegayaa inay isku qabsadeen hawl maalmeedkii caadiga ahaa sidii loo qaban lahaa, maadaama talada maamulka gobolku ay aalaaba inta badan gacanta ugu jirto Badhasaabka ayaa waxa uu is maandhaafkani yimid ayay dad badani qabaan mid salka ku haya awooda yar ee la dhex dhigay labadan masuul, waxana ay ku soo beegantay waqti uu badhasaab Cabdoo ka maqan yahay Boorama isla markaana ay Masuuliyiintan Fiidhka isla boobtay ay ku jahwareereen sidii iyo meeshii ay ka bilaabi lahaayeen hawsha, isla markaana ay iskugu soo bexeen gago banaan noqdeena kuwo HIRDIN isla dhaca sida DIBI-DAMAAN xoro ku oodnayn oo OODA laga qaaday, markii uu horjoogahoodii ka libdhay.
Dhinaca kale waxa maanta loo balansanaa in xarunta badhasaabka gobolka Awdal ay ka qabsoonto kulan la isku soo hor fadhiisinayo golaha degaanka ee degmada Boorama, kaasi oo ay ahayd inuu badhasaab Cabdoo u joogo balse uu ka door biday safarka dhinaca Hargaysa ah ee uu ku maqan yahay.
Badhasaab ku xigeenka Awdal iyo Xoghaya Gobolka ayaa labaduba ku fashilmay inay hawsha taala halkeeda ka sii amba qaadaan isla markaana noqday kuwo iyaga xal laga dhex raadiyo wixii ka dambeeyay dagaalkii foosha xumaa ee dhex maray maanta waqti ay ku sugnaayeen xafiiska gobolka Awdal oo ay ka socotay hawl maalmeedkii caadiga ahaa.
Madaxdan maanta meel ka dhaca ku samaysay masuuliyada oo ay shabakadu isku dayday inay la xidhiidho ayaa midkood ka gaabsaday inuu ka waramaso waxa dhacay, halka uu ay masuulka kale noo suuroobi wayday inaan la xidhiidhno.
Si kastaba ha ahaatee Fadiixadahan ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah ee ka dhex dhaca madaxda gobolka Awdal, waxa la isku raacsan yahay inay xanaf ku noqon karaan masuuliyada loo igmaday iyo sumcadii uu maamulka gobolka Awdal oo uu ku jiro Badhasaabku ku dhex lahaayeen bulshada
Wariye:mustafe caraale