Wednesday, July 24, 2013

SLN: WADDANI iyo UCID oo Maanta Heshiis iskaashi ku Dhawaaqay iyo Kulmiye oo Madaxtooyada talooyin hordhigay , xili Saaxadu ku sii kululanayso










Hargeysa(GNA) Labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa maanta ku dhawaaqay  Heshiis isfaham oo ay ku mideynayaan hanaanka Mucaaridada iyo ku ilaalinta Hay’ada Dawliga wadiiqada saxda ah.




shir ka dhacay Hudheelka Ambasador ayay loba xisbi ku gaadheen Heshiiskasi.




Qodobada ugu muhiimsan ee Heshiiskan lagu gaadhay waxa ka mid ah Golayaasha Baarlamanka siiba Golaha wakiiladda oo ay labada xisbi xubno door ah ku leeyihiin laga abuuro la xisaabtan dhab ah oo xukuumadda lagula tacaamilo, iyadoo taasi meesha lagaga saarayo dhaliilaha looga soo jeediyo Golayaasha.




Sidoo kale waxaan meesha ka madhnayn in labada xisbi aragti midaysan ka yeeshaan talaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso ee dhinaca arrimaha dibada, taasoo la odhan karo waxay ka mid tahay waxyaabaha dhaliyay inay labadan xisbi isku soo dhawaadaan, ka dib markii laga reebay Ergadii ka qayb-gashay Wadahadaladii Somaliland iyo somaliya ee Turkiga.




Labada xisbi mucaarad ayaa la sheegay inay wadahadalka iyo diyaarinta heshiishkooda cusub ee mucaaradnimo u saareen guddi farsamo oo ka kooban lix xubnood oo saddexba dhinac ka socdaan, kuwaasoo la sheegay inay hadda dhammaystireen qodobadda heshiiska, ka dib markii wadahadallo si hoose u socday lagu heshiisiiyey labada hoggaamiye xisbi oo muddo dheer fiintu kala dhex miranaysay,isla markaana awalkii hore ka mid ahaa Aasaasayashii Xisbiga UCID.




 Xubin ka tirsan guddida lixda ah ee labada xisbi u saareen dhammaysirka heshiiskooda, ayaa laga soo xigtay in heshiisku dhici doona Arbacada berri, uu ku salaysanyahay uun  sidii ay isku kaashan lahaayeen, iyadoo lagu shaqaynayo doorkii mucaaridnimo, danta qarankana meel looga soo wada jeedsan lahaayeen.




Labadan Xisbi ee Iskaashiga Mucaaridnimo ku Heshiinaya ayaa hore dhexdooda uga jiray yooyootan siyaasadeed, tan iyo markii la aasaasay Xisbiga Waddani ee uu ka soo faliidhmay UCID, badhtamihii sanadkii 2011-ka oo ay markii Ururadda siyaasadda la furay, iyadoo markaasi hogaamiyayaasha labada xisbi ku kala tageen cadho fogaatay oo sababtay inay mudo dheer warbaahinta iska maagaan.




Xisbiga UCID ayaa Ururka WADDANI intii aanu xisbiga noqon ku eedayn jiray inuu gacan saar la leeyahay Xukuumadda, halka waddanina UCID ku dhaliili jiray mid qof u af-duuban, balse todobaadkii hore ayay si lama filaan ah labada Guddoomiye xisbi u shaaciyeen inay ka heshiiyeen wixii utun kala dhex taalay, waxaana taasi xigtay is-afgaradka ay mucaaridada ku waajahayaan.




Qorshaha aylabadan xisbi ku Mideynayaan aragtiyahooda Mucaarid, ayaa hadii ay dhaqan-gal noqdaan iyo hadii kaleba mar kasta shaacintoodu culays siyaasadeed ku soo kordhinaysaa Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aad haatan  moodo inay saddex sanadood ah oo ay talada haysay ka dib inay la soo dersayaan Duufaano Mucaaridad xambaarsan oo kaga imanaya dhinacyo meel ka wada shidaal qaadanaya.




Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo ay ku bahoobeen Rag badan oo waayo-aragnimo siyaasadeed wata, xubina uu ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo hada loo arko xudunta Gulufka Mucaarideed ee xukuumadda ku socda  ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay si weyn u diiriyay Saaxada siyaasada ee dalka, waxaana ka soo yeedhay dhaliilo aad u fara badan oo ay si xoogan xukuumaddu uga diirtay.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa horaantii bishan markii golahaasi lagu dhawaaqay u arkayay inay Kooxda aasaastay Goluhu ka faa’idaysanayaan doorkii xisbiyada Mucaaridka ah oo meesha ka baxay, waxaase doodaadi dadka qaarkood ka leexdeen markii ay ogaadeen in Guddoomiyaha Xisbiga UCID shaadhkiisii mucaaridnimo ku cusboonaysiiyay xubinimada uu golahasi kaga soo dhex muuqday.




Dooddaha siyaasadeed ee ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay is-dhaafsanayaan dhinacyada Mucaaridka ah oo uu Golaha Tashigu Hormuud ka yahay iyo xukuumaddu ayaa maraya meeshii ugu xaasaasisanayd, islamarkaana ku sii siqaya marxalad aan la saadaalin Karin waxay noqon doonto.




Sidaasoo ay tahay loogama fadhiyo labada xisbi inay ku koobnaadaan marka ay wax dhaliilayaan qodobada ay ka hadleen xubnaha Guddida ah dhawrkii todobaad ee ay jireen, balse waxa daruuriya inay la yimaadaan waji cusub iyo Wadiiqooyin kale oo ay xukuumadda ka dhaliilaan.




Geesta kale is-bahaysiga labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI, waxa uu imanayaa xili uu xalay xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye kulan la sheegay inuu ku yeeshay Magaalada Hargeysa ka soo saaray qodobo ay hogaanka xisbigu is-tuseen in la saxo oo ay ka mid yihiin in la ilaaliyo martabada uu xisbigu kaga jiro asxaabta iyo inaanu lumin Taageerada Bulshada.




Ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in hogaanka Xisbiga kulmiye kulan uu xalay  ku yeeshay Hudheelka MAANSOOR ee magaalada hargeysa ka soo uruuriyay talooyin ay madaxweynaha maanta oo Arbaca ah  hordhigeen oo la xidhiidha toosinta iyo talo bixinta wixii khaladdaad ah ee jira.




Xisbigu waxa la sheegay inuu madaxweynaha u soo bandhigi doono inuu aqbalo talooyinka ay u soo jeedinayaan dadka Mucaaridka ahi si aanay Bulshadu ugu arkin inuu macangagnimo maamul wado.




Si kastaba ha ahaatee sida ay saraakiisha Madaxtooyada Somaliland Gobanimonews u sheegeen xubnaha ugu sareeya hogaanka xisbigaasi waxay madaxweynaha la kulmeen  gelinka hore eeMaanta , iyagoo hordhigay dhamaan waxyaabaha ay kulankaasi xalay  ka soo saareen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com