Luis Suarez ayaa weydiisan doona Liverpool ogolaansho uu kula hadlo Arsenal ka dib dalabkii laga soo diiday Gunners ee 40 milyan ginni iyo wax la jiro, sida ay qoreyso BBC.
Maanta mar sii horeysay ayaa kooxda Anfieldka dhisan ay Arsenal ka diiday dalab ahaa mid la yaab leh oo Arsenal sameysay kaasoo ahaa 40 milyan ginni balse ay raaciyeen kaliya hal ginni.
Sababta Gunners ay dalabkaas la yaabka leh u sameysay ayaa waxa ay aheyd sharuudaha ku xirnaa heshiiskii uu Suarez saxiixay bishii August ee sannadkii hore, kaasoo ahaa in dalab ka badan 40 milyan ginii inay Liverpool ku qasbeyso inay dalabka ka fiirsato islamarkaana ciyaaryahanka ku wargeliso.
BBC ayaa warineysa in Suarez uu aaminsan yahay in sharuudaas ku xiran qandaraaskiisa Liverpool inay u saamaxeyso inuu la hadli karo Arsenal, laakiin Liverpool ayaa ku adkeysaneysa inaysan ku qasbaneyn inay iibiyaan.
Dalabkii ugu danbeeyay waa kii seddexaad ee Arsenal laga soo diido. Waxa ay kooxda Merseyside aaminsan tahay inuu qiimihiisa intaas ka badan yahay, iyadoo isbuucii hore uu Brendan Rodgres sheegay in Suarez uu ku qiimo yahay Cavani oo lagu iibsaday 55 milyan ginni.