Hargeysa(GNA)-Maxamed Xasan Siciid oo ah Nin Dhalinyaro ah, isla markaana mudo dheer ka soo shaqaynayay hay’ado muxali ah iyo kuwo Caalamiya ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland oo laga bedelay Faysal Cali Sheikh oo ahaa Rug-cadaadi suxufi ah, horena u ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.
Agaasime Maxamed Siciid ayaa laga soo bedelay Hay’ada Maamul Wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu muddo Saddex sanadooda joogay, taasoo ka hor intaan loo magacaabin uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Safiirka Somaliland ee Waddanka Itoobiya, balse muddo kooban ka dib laga soo bedelay.
Waa Nin Dhalinyaro ah, isla markaana Muddo dheer ka soo shaqaynayay Hay’ada Caalamiga ah ee ka hawl-gala Somaliland iyo Ururadda kale ee Bulshada, sida Daladda Dhalinyarada Somaliland SONYO oo uu ahaa Guddoomiyeheedii ugu horeeyay ee la doortay markii Daladdaasi la dhisay.
Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Hay’ada Maraykanka ee IRI oo ka shaqaysa arrimaha Doorashooyinka, Hay’ada HANDI-CAP iyo Hay’ada ICT (Ex PROGRESSIA).
Maxamed Xasan Siciid, ayaa dhinaca kale ka mid ah Dhalinyarada ku jirta xukuumadda ee ugu firin-fircoon, waxaanu shaqada Wasaaradda loo dhiibay oo aad u culus sida la filayo ku waajihi doonaan Waayo aragnimadda shaqo ee uu leeyahay.
Gobanimonews
Hargeysa Office