Thursday, July 11, 2013

Malta: Ciidamada oo Badbaadiyay 62 Tahriibe oo ay ku jiraan Gabadh Badda ku dhex dhashay iyo Mid Xaamilo ahi






Malta(GNA)-Wararka laga helayo  Jasiiradda Malta ayaa xaqiijinaya in maanta ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta ay soo badbaadiyeen 62 qof oo muhaajiriin Soomaali ah  oo isugu jira 49 Rag ah oo 25 ka mid ahi ay yihiin wiilal aad u da’ yar , iyo 13 Dumar ah oo ay ku jiraan laba hablood oo aad u da yar .




Warkan oo ay warfidiyeenada u xaqiijiyeen ciidamada Jasiiradda Malta ayaa intaa ku daray in haweenay ka mid ah Tahriibayaashashaasi ay shalay ku dhex umushay doon caag ah oo aad u liidata oo ay ku safrayeen tahriibayaashu.halka haweeney kale oo ka mid ah tahriibayaashu ay tahay xaamilo fool ah oo ku jirta Sagaalkii bilood




Ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta, waxa ay sheegeen inay doontan ay tahriibayaashu saarnaayeen ay ka soo qabteen badda  Mediterranean-ka meel 75 Mayl ka xigta jihada koonfureed ee Jasiiradda Malta, mana cada ilaa iyo hada in 62 qof ee tahriibayaasha Soomaalida ah ee la soo badbaadiyay in la geegay Jasiiradda Malta iyo in kale.




Doontan ayaa la sheegay inay ka baxday xeebaha dalka Liibiya.




Warku waxa kale oo intaa daray in doon kale oo ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaali ah oo aan tiradooda weli si rasmi ah loo xaqiijin oo ku jirta isla biyaha badda Mediterranean-ka in ay ciidamadda Badda ee Jasiiradda Malta ay ku raad joogaan baadi goobkeeda iyo soo badbaadinteedaba, inkasta oo Saraakiisha Ciidanku aanay wali sheegin meel ay Jaan iyo cidhib dhigtay.




Gobanimonews




London Office