Hargeysa(GNA)-Dadka Naafada ah ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa cabasho ba’an ka muujiyay Raashin Mucawimo ah oo looga qoondeeyay qaybinta Mucaawimada dawlada ku caawisay dadka danyarta ah ee Somaliland.
Ku dhawaad laba boqol oo ka mid ah dadka Naafadaha ah , ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay cabasho ka hor samaynayay xarunta Wasaaradda dib u dejinta oo Raashinkaasi kaga maqanyahay,kuwaasoo ay horkacayeen Maamulka Daladda Naafada Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa la sheegay inuu saddex Boqol oo qoys oo Naafo ah oo ku nool magaalada Hargeysa ku daray shaxdii laagu qabiyay Mucaawimadaasi, sida uu sheegay Guddoomiyaha Daladda Ururadda Naafada Somaliland Mukhtaar Cismaan Muxumed oo Maanta Warbaahinta la hadlay.
Mukhtaar Cismaan ayaa sheegay in Mucaawimadaasi loo qondeeyay bilo ka hor ilaa hada laga meer-meerinayo oo aan la siin.
“Madaxweyne ku-xigeenku markii uu shaxeeyay laba bilood ka hor qaybinta Mucaawimadii Dawlada Turkigu bixisay, wuxuu qoray in 300 oo qoys oo Naafada ah Raashin la siiyo, raashinkaa naloo qoray ilaa hada kama hayno Wasaaradda dib u dejinta Maalin walbana waxa la odhanayaa Beri Kaalaya”ayuu sheegay.
Cabashada Naafadaasi sameeyeen maanta, ka dib aqalka Madaxtooyada ayaa la sheegay in looga yeedhay Wasiirka dib u dejinta iyo xubno ka mid ah dadkii cabanayay, waxaana la sheegay in kulan ay la yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka ka dib, wasiirka lagu amray inuu dadkaasi wixii uu Raashin u hayo siiyo.
Ilaa 150 Qoys oo ka mid ah Naafada cabanaysa ayaa la sheegay inay madaxtooyadu amartay in loo qaybiyo qayb ka mid ah Raashinka mucaawimada ah ee hore loogu diidanaa, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay Cabdi Aadan oo ka mid ah dadka Curyaaminta ah ee Naafadaasi ku jira.
“Cabashada waxa keenay Wasiirka cusub ee wasaradda ayaa nagu yidhi Idiinma hayo Raashinkii naluugu talo galay oo ahaa Saddex Boqol oo qoys Raashinkood, taasoo madaxweyne ku-xigeenku markii Mucaawimada Turkiga la shaxaynayay noogu daray, balse wasiirka dib u dejintu sheegay inuu noo hayo Konton Kiish oo qudha”.
Cabdi Aadan ayaa intaasi ku daray “markaa markii aanu saaka cabanay waxa nalooga yeedhay Madaxtooyada oo noo wada yeedhay annaga iyo Wasiirkaba,dabadeed markii la waydiiyay ee lagu yidhi maxaad dadkan uga haystaa Raashinka la siiyay wuxuu sheegay inaanu hayn wax ku filan, ka dibna waxa lagu amray inuu siiyo waxa uu hayo hada, sidiibana lagu kala yimi, waanan uga mahad naqaynaa talaabada madaxtooyadu qaaday”ayuu sheegay.
Mr. Aadan oo la waydiiyay in isla maanta loo qaybiyay Raashinka iyo in kale ayaa sheegay, “Maya nalama siin maanta laakiinse waxa lagu amray inuu siiyo intii maanta joogtay ee cabashada samaynaysa oo markaa tiradoodu gaadhayso ilaa 150 qof, wixii kalena waxaanu rajeynaynaa in wixii dambe wax laga siin doono”.
Cabshooyinka ka soo noqda Mucaawimooyinka loogu talo galay dadka danyarta ah ayaa ah arin soo noqnoqota oo aan ilaa hada xal loo helin, waxaanay inta badan ka dhalataa Musuqmaasuq iyo wax is-daba marin ay ku sameeyaan saraakiisha dawlada ee maamulaya oo inta sidii loo qorsheeyay aan dadka u gaadhsiin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com