(GNA) Fannaanada Soomaaliyeed ee Qamar Cabdullaahi Harawo oo mudo Afar bil ka hor lagu xidhay dalka Turkiga xili ciidamada Booliska garoonka diyaaradaha Atatürk ee magaalada Stanbul ay ku dhegeen fannaanada, waxaana soo baxaya faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababta loo xidhay.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Fannaanada ayaa tilmaamaya in xadhigeeda uu la xidhiidho in lagu helay iyadoo dooneysay iney gudaha Istanbul geliso Qaadka oo dawlada turkigu uu mabnuuc ka yahay ayaa la sheegayaa in ay fanaanadu ka qaaday magaalada Londan.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in shan dadii ama boorsadii ay wadatay Fannaanadu ee Gargo-ga laga helay iyadoo ay ka buuxaan qaad, taasina ay keentay in loo yeedho fannaanada kadibna xabsi ilaa hada ay ku jirto.
Warkani oo aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoon yahay oo Londan ku sugan diidayna in magacooda la shaaciyo, ilaa haddana cid si rasmi ah ugu hadashay ma jirto.