Hargeysa(GNA) Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aanu sharci haysan Golaha dhawaan hargeysa lagaga dhawaaqay, waxaanay xuseen in uu Mamnuuc ka yahay Dalka.
Xubnaha guddidu waxa kale oo ay Xisbiga UCID ka dalbadeen in ay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Guddoomiyahooda Faysal Cali Waraabe, kaasoo ay ku Eedeeyeen in uu ku biiray Gole siyaasadeed oo sharci darro ah, iyagoo ka codsaday in ay jawaab deg deg ah uga fadhiyaan.
Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasaddu waxa ay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen in dalka laga ogol yahay Golayaasha iyo Axsaabta Siyaasadda ee Dastuurka iyo shuruucda ka farcamaa jideeyeen, balse aan la ogolayn cid kale oo isku abaabusha kooxo siyaasadeed, sidaas daraadeed uu sharci daro yahay Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranku.
Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda ayaa u muuqda mid ka shiidaal qaadanaya canbaaraynta Xukuumadda Somaliland la daba taagan tahay Golahaas Dalka lagaga dhawaaqay, kaasoo Sas ay ka qaaday u adeegsatay in ay ka difaacaan Dadweyne iyo Hay’addo kale oo borobagaando suuqa u gelinaya Golahaasi.
Ma jiro war Ramiya oo ka soo baxay Xisbiga UCID hogaanka sare eeXisbigaasi , balse Afhayeen u hadlay ayaa Gobanimonews u sheegay in Go’aanka Guddida Diwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta uu yahay mid sharciyada dalka iyo xisbiga ucid-ba Gef ku ah.
“anaga Guddidani wax qoraal ah noomay keenin, Go’aankoodana waxaanu u aragnaa mid gef ku ah sharciyada Asxaabta dalka iyo Xisbiga,waxaanan ku haysanaa hada oo aanu sharciyada la hortegaynaa laba qodob oo ay go’aankoodan ku jabiyeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Madaxa Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cismaan.
Yuusuf Kayse Cismaan oo qeexaya labada qodob ee ay go’aankan kaga biyo diideen, ayaa sheegay “Labadaa qodob oo kala waa marka koowaad ee wax Ogaysiin ah ama war noomay keenin ka hor intaanay go’aankan soo saari, sida uu dhigayo sharcigu, balse Warbaahinta ayuunbaanu ka aragnay, mida kale waxay soo faro geliyeen arimihii Xisbiga oo ay go’aankoodan ku kala jabiyeen, markaa labaa arimood waa kuwo ka baxsan sharciga u degsan Nidaamka Asxaabta ee waddanka.”
Filashada ah in Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Golahan talaabooyin sharci lagu soo faro geliyo ayaa ahayd mid mar kasta lagu xisaabtamayay, balse hada u muuqata inay soo deg-degtay.
Waxaanay talaabooyinkani ka dambeeyeen ka dib markii uu bur-buray wada xaajood ay xukuuamddu doonaysay inay la gasho Siyaasiyiinta Golahaasi ku dhawaaqay oo sida la sheegay ay qayb ka tahay sababta bur-burisay.
Xubnaha Ergada dhinaca dawlada ka scoday ayaa la sheegay inay diideen inay la hadlaan Ergo ka socota dhinaca Golaha oo uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, kaasoo isaguna dhankiisa ku dooday inaanay Xukuumadda wax wada hadal ah la galayn Ergo aanu isagu go’aan ka gaadhin.
Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka ay hada xukuumadda iyo Hay’ada kale ee dawliga ahi ku waajahayaan joojinta Golahan ismagacaabay ayaa u muuqda kuwa dabka ku sii shidaya Khilaafka taagan, siina kala fogaynaya dhinacyada arintu khusayso,
waxaana ka dhalan doona, hadii aan tanaasul lagu darin, isla markaana aan dhinac kale looga wareegin natiijo aan la mahadin iyo muran sii daba dheeraada.
Gobanimonews
Hargeysa Office