Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaan ilaa hada Gar iyo Garowshiyo toona marin Maxamed sheikh Cumar Xasan oo dhawaan Magaciisu ku soo baxay liiska Agaasimeyaal guud oo uu madaxweyne Siilaanyo magacaabay, loona magacaabayAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga.
Xilkaasoo markii uu todobaad hayay lagala noqday, iyadoo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir Masuulkaasi ka soo saaray Xafiiskii uu la wareegay todobaad ka hir,isagoo aan wax go’aan ah ka helin Madaxweynihii Wareegtada ku soo saaray magacaabistiisa, sida uu dhawaan Warbaahinta ka sheegay Maxamed Sheikh Cumar.
Sarkaalkan xilka laga noqday oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle, sheegayna in C.V-giisa uu madaxweynaha u geeyay Alle ha naxariistee Caaqil Cabdilaahi Shiriif dhego-cadde oo ka mid ahaa Cuqaasha gobolkaasi ka hor intaanu sanadkii hore ku Geeriyoon Cariga Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxtooyada dhexdeeda loogu Hanjabay, ka dib markii uu isku dayay inuu uga cawdo dhacdadan lagu sameeyay.
“Wasiirkii aan Madaxtooyada ugu tegay markii aan waxoogaa wada hadalnay waan ka soo baxay, dabadeed askari Ciidanka madaxtooyada ka mid ah ayuu ku yidhi Ninkaa qabto oo xidha”ayuu yidhi Warbaahinta u sheegay Maxamed Sheikh.
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Aqalka Madaxtooyada oo ay arintani si khaasa u khusaysaa wali kamay hadal oo may sababayn sida ay wax u dhaceen, balse Xilka laga caydhiyay Ninkan ayaa la sheegay in loo dhiibay Nin dalka debadiisa ka yimi oo ay isku magac dhowyihiin Agaasimaha la bedelay.
Sheekadan oo dadka badankiisa markii ay dibada u soo baxday maskaxdooda geli wayday, balse dooddeeda ay shiiqisay muranada siyaasiga ah ee kale ee dalka ka taagan, waxay daboolka ka qaaday nidaam xumo baahansan iyo kala dambeyn la’aan ka jirta Aqalka Madaxtooyada, taasoo ay dheertahay siyaasad la’aan iyo sirta oo aanay dawladu xil iska saarin inay qariso wixii waxyeelo ku Milgaha dawladnimo iyo Maamuuska qaranka.
Maxaa yeelay? arimaha noocan oo kale ayaa ah kuwo saamaynaya Bulsho ka badan qofka lagula kacay, iyadoo abuuraysa Utun siyaasadeed iyo dareen maamul xumo oo lumin karta Kalsoonida shacbigu u hayo Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee Maxamed Sheikh Cumar Xasan hada wuxuu joogaa Magaalada Hargeysa oo uu horena u joogay, waxa ku dhacay Dhaawac saamayn ku yeelanaya sumcadiisa shakhsiga ah iyo ta guud ee deegaanka uu ka soo jeedo.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisuna wax jawaab ah kamay bixin arintiisa, isla markaana kamuu helin Garowshiyo iyo qancin toona, sida uu warbaahinta ka sheegay, waxaanay taasi muujinaysaa habacsanaan cad iyo inaanay Dawladu qof lagu Khaldamay ama isagu khalad galay aanay qancin Karin, isla maraana asturan Karin khaladaadka Maamul ee dhexdeeda ka dhaca.
Gobanimonews
Hargeysa Office