Monday, July 8, 2013

Sidii Uu Iska Deenlahaa Cabida Sigaarka Ayuu Usameystay Shabag Bir ah Oo Uu Ku Xidho Madaxiisa -Daawo-video


(GNA) Ibrahim Yücel oo udhashay dalka Turkiga ayaa go,aan ku gaadhay inuu iska joojiyo cabista Sigaarka uu cabayay in mudo ah wuxuuna isku dayo fara badan kadib uu go,aan saday in uu madaxa galiyo Sanduuq ka sameysan bir iyo shabaq si uu isaga ilaaliyo cabista Sigaarka.




Ninkan ayaa ku dawakhay  xiliyo fara badan oo  udamacsanaa inuu joojiyo cabista Sigaarka balse way ku adkaatay inuu joojiyo cabista Sigaar isaga oo aan xidhanin Sanduuqa birta waqtti dheer kadib ayuu go,aan ku gaadhay inuu soo sameysto sanduuq bir ah uu madaxa galiyo islamarkana ay furaha sanduuqaa waa qaadaneysay xaaskiisa  isaga oo daneynaya in aanu tabin wax cabis Sigaar ah xiliyada uu cunteeyo iyo xiliyada uu sharaabka  cabayo kaliya laga furo kadibna dib loogu xidho.




Ibraahim Yücel ayaa warbaahinta TMZ usheegay in haatan xaaladiisau wanaagsanthay aanu wax dhibaato ah qabin axdiyada ay wada dhigteen xaaskiisana uu sitioos ah ufulinayo.




Balamaha ay dhigteen xaaskiisa oo uu ku dhaartay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayuu ku sheegay iney kamid tahay hadii uu la liito cabista sigaarka oo ay nafta kasii socoto in aaney marnaba ka furin Sanduuqa shabaha wuxuuna sheegay in xaaladisa ay aad u wanaagsantahy inkastoo uu kala kulmay dhibaatooyin aad ufara badan.
Xagahoose ka Daawo-Video